Keenee Gardaran?

0
Saturday October 05, 2024 - 08:51:16 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Keenee Gardaran?

    Si fudud waxa uu iigu jwbay waa amar nala siiyay oo jiho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si fudud waxa uu iigu jwbay waa amar nala siiyay oo jiho



Waxaan soo istaagay mid ka mid ah koontaroollada wadada Warshadaha, waxaa la marsiiyay gaarigeyga baaritaankii caadiga ahaa, markii ay gaarigii ka dhamaadeen oo xitaa halow halowdii markii la galiyay gaarigeyga ay soo baxday in la i fasaxo ayaa wiil meel daash ah jiifay amar ku bixiyay inaan gaarigeyga hortiisa istaago ogolaadna in la igu sawiro.

Waxaan ku iri walaaloow danbiile Macallin Mahdi soo qabtay oo bulshada lala wadaago ma ihi ee si kale wax u sheeg.

Intii daashkii ka soo baxay ayuu 2 far ii taagay weliba isagoo ay ka muuqato kalsooni aad u fara badan, waxa uuna yiri ogolow sawirka ama gaariga halkaas ii dhig.

War sidaas ma ah, adiga wadadaan ayaa lagu raaciyay inaanu ku dhaafin qof amni darro wada, aniga hadii aan ku qanci waayay habraacaan kaligaa maanta aad wadato miyaanan xaq u laheyn inaan ku laabto ugu yaraan halkii aan ka imi ama waddo kale raadsado?

Waxa uu iska soo jaray waxaasi ma fahmi karee 2da waddo mid soo raac.

Rag kale oo dhalinyarada meesha joogtay ka mid ah isla markaana aad ii garaneysa ogna inaan si joogto ah u isticmaalo wadadaan ayaa ninkii oo xanaaqsan nakala dhex galay oo ku qanciyay xitaa in la iga fasaxay halow halowda ee ka fuq ninkaan waa nin la yaqaane.

Markii howshu noo soo dhamaatay ninkiina Ilaahey nasoo kala furfuray ayaan si hoose u wareystay mid fariid ahaa oo kan kale ku jago ahaa oo ahna ninka igasoo furdaamiyay, waxaan weydiiyay inta kaleba gartay, ee hadii aan ku qanci waayay habraaca wadadaan iyo yarkaan u gaarka ah maxaa la iigu diiday inaan dib iskaga laabto?!

Si fudud waxa uu iigu jwbay waa amar nala siiyay oo jiho naga sareysa nooga yimi, lkn wax uun flexibility ah ayaan heysanaa oo aan wax ku fududeyn karno.

Ugu danbeyn, ilaa hadda waxaa maskaxdeydu qaadan la’dahay anigoo xor ah ayaan kuu imi, sida aad rabto hadii aan kuu yeeli waayo waa ku xoriyad beeleysaa.

Bal akhyaareey, yaa tanoo kale ila arkay?

Waxyaabahaan oo kale hadii ay kugu dhacaanse yaa looga dacwoodaa?!



Salman Khalif


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...