Hadda kahor ayaa waxaa jirey shimbir yar kaas oo marwalba Alle u tasbiixsada oo dikriga Alle badin jirey.

0
Friday October 04, 2024 - 08:28:47 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hadda kahor ayaa waxaa jirey shimbir yar kaas oo marwalba Alle u tasbiixsada oo dikriga Alle badin jirey.

    "Rabbiyoow waxan lahaan jirey buul yar(guriga shimbirka)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Rabbiyoow waxan lahaan jirey buul yar(guriga shimbirka)



Waxaa dhacday maalmihii danbe in uu iska daayo xuskii badnaa iyo dikrigii, kadibna malaa'igtii Alle ayaa is weydiisay sababta uu u joojiyey tasbiixda,

markaas ayaa Alle swt waxa uu yiri

"iska dhaafa wuu ii Iman doonaa waayo majiro cid aan aniga ahayn oo uu dhibkiisa u sheegto amaba uu u cawdo eh, wexeyna u malaynayeen in uu tasbiixdii iyo digrigii uu ku laaban doono."

Maalintii danbe ayuu Alle swt u yimi shimbirkii isaga oo ku yiri

"Rabbiyoow waxan lahaan jirey buul yar(guriga shimbirka) kaas oo ahaa hoyga kaliye ee aan haystay e maxay iiga qaadatay dabayshu?."

Markaas ayaa Alle swt waxa uu ku yiri

" waxaa jirtey Abeeso taas oo buulkaaga xagiisa usoo socotay adiga oo dhex hurda rabteyna in ay ku qaniinto, anigana arintaas darteed ayaan dabaysha kuugu keenay si aad u kacdo oo aysan kuu cunin abeesadaasi."

waxaana isla markiiba shimbirkii indhihiisii kasoo buuxsantahay ilin wuxuna yiri Allahayow naxariistaadu badanaa.

Ugu danbayn haddii aad ogaan lahaydeen dadow sida Alle swt uu arimihiina idinku dabirayo wexey quluubtiinu la ooyi lahayd jacaylkiisa.

Turjumaadii: Bahja Omar Ahmed-Bahuuja


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...