Faallo:-Madaxweyne Biixi Waxa La Gudboon innuu Siyaasad Cusub uu u Jeexo Somaliland
arrimaha dibadda ee Somaliland uu dib u eeggo, isla markaanna uu dariiq cusub u jeexo si ay Adduunka uga hesho Aqoonsi Caalamiya.

Somaliland dhawr iyo labaatankii Sannadood ee la soo dhaafay hal dariiq ayay Siyaasaddeedu haysatay, waxaanna hadda loo baahan yahay mid taas ka geddisan cusub in lagu waajaho Siyaasadda arrimaha dibadda jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland.
Prof. Cabdisallaan Yaasiin oo ka tirsan Madasha wada-tashiga Somaliland oo waraysi siiyay Warbaahinta Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ama Hadhwanaag Tv ayaa waxa uu sheegay in marka ugu horraysa ay Xukuumadda Somaliland ka baxdaa Wad-hadalkii ay kula jirtay Soomaaliya, waxaannu sheegay in Xidhiidhka dublamaasiyaddeed ee dhex-maray dalka Guinea Conakry iyo Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qaaddeen Jaha-wareer siyaasaddeed, iyagoo xitaa aan eeggay Curfiga siyaasaddeed ee adduunka.
Dhawaaqyadda ka soo baxaaya Siyaasiyiinta Somaliland ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku boorrinaaya inay dariiq cusub iyo dib u qiimayn ku samayso Siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, maaddaama dawladda taagta daran ee Muqdisho ay bilowday dagaal dublamaasiyaddeed iyo mid dhaqaale labadda, waxaannay sheegeen in dalalka Sucuudiga iyo Imaarraadku ay la safan yihiin Xukuumadda yar ee lagu ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cabdinaasir Buunni oo imikanna ka mida Siyaasiyiinta Somaliland ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muusi Biixi Cabdi u soo jeeddiyay inay dalka iirraan la samayso Xidhiidh dublamaasiyaddeed, kaasoo ay si wayn isaga soo horjeedaan dalalka Khaliijka oo ay hoggaamiyaan Sucuudiga iyo Imaarraadku, waxaannu intaas ku daray haddii Sucuudigu uu la saftay dawladda taagta daran ee Soomaliya, waa in Somaliland-na ay Xoolaheedda u raadisaa Suuq cusub.
Si kastaba ha ahaatee dhawaaqyadda ka soo baxaaya Siyaasiyiinta Somaliland ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi u soo jeeddiyay inay ka diyaar-garoobaan dagaalka Siyaasaddeed iyo Dhaqaale ee ay bilowday Dawladda taagta daran ee Soomaaliya.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland


0 





