Buuq Siyaasi Beeraayo,Beel Beel Kalaw Jeeda,Ka Badbaadsha Qarankeena.

0
Thursday October 03, 2024 - 09:59:31 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buuq Siyaasi Beeraayo,Beel Beel Kalaw Jeeda,Ka Badbaadsha Qarankeena.

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]


Somaliland: November 13

Bariga Iyo Galbeedkeena,Dar La Soo Basbaaseeyay,

Biil Xamar Ka Soo Qaatay,Ka Badbaadsha Qarankena



Bigil Reer Ninkii Tumaya,Bulshadeena Kala Qabshah,

Boodboode Baydhbaydhe,Haddba Baal U Cararaayah,


Bixinta Foodka Baayacaya,Biidhiqaataha Naga Baadha,

Basar Iyo Sharga Deeqa,Bulsho Meel Ku Wada Noole,


Bilayskeena La Shaqeeya,Baalahuun Ka Wada Jooga,

Baabiinta Magaceenan,Iyo Boobka Naga Dhawra,


Budulkii La Soo Jeexay,Qarankani Ku Barakoobay,

Maanta Baal Ka Marimayno,Bushaareeya Guushena,


Boqorkeenu Kuu Siiyo,Soo Baxana Ku Bogaadsha,

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...