10. Sidee U Xakameyn Kartaa Caradaada?
Daraasad ay sameysay jaamacadda Yale ayaa sheegtay in qofka si fudud u carooda uu halis badan ugu jiro dhiigkarka iyo wadne istaaga. Daraasad kale oo ay sameysay jaamacadda IOWA waxay tilmaamaysaa in afar meelood meel ay ragga xanaaqa badan halis u yihiin geerida degdegga ah, ayagoo hal mar iyo bar kaga halis badan ragga kale. Cilmi-baarayaasha ayaa ku baraarugay, in ay ku soo badanayso dadka carooda dhexdooda khatarta geerida degdegga ah, waliba si gaar ah ugu badan tahay dadka sida fudud u carooda. Waxayna diraasaddan ay ka qayb qaateen 1300 oo qof, oo ay da’doodu ka hoosayso 30ka tilmaamtay; in xanaaqu jibbaaro khatara in qofku ku dhaco wadne xanuun.
Caradu waxay halis ku tahay caafimaadkeena iyo nolosheena,
waxayna keeni kartaa dhibaatooyin maalinle ah. Waxay naga hor istaagtaa inaan
gaarno yoolalkayaga, sababtoo ah, markasta oo aan xanaaqno, waxaan luminnaa
fursado, waxaan dhaawacnaa dadka aan jecelnahay.
Aniga oo arrintan ka duulayana, waxaa halkan ku xusan
talooyin ku saabsan sida loo xakameeyo ama loo maarayn karo carada:
1. Xal Degdeg Ah U Hel Dhibaatada:
Adeegso aragtida dhiqidda weelka! Saxanka aad cunnada ku
cuntay horay ka dhaq, haddii aad ka daahdo, cuntada ayaa ku dhagaysa oo hadhow
ayay kugu adkaanaysaa inaad ka mayrto, markaas ayaa dhibaato iyo wahsi kaa
qabsanayaa, inaad xanaaqdana waa suuragal. Sidoo kale mar Alle markii aad
dareentid caro, qabo shaqooyin fudud oo kaa mashquuliya in xaalku sii cakirmo.
Waxaana wanaagsan inaad la hadasho qofka kale si xaaladda loo dejiyo inta aysan
dhibaato wayn noqon.
2. Qor Dareenkaaga:
Qoridda dareenkaaga iyo caradaada waa hab wanaagsan oo aad
ku xakameyn karto. Haddii aad isku dhacdaan lammaanahaaga, walaalahaa ama
saaxiibadaa, halkii xanaaqaagu saamayn lahaa xiriirkiina, waxaad ku wareejin
kartaa caradaas warqad ama qaybta qoraalka ee taleefankaaga. Waa hubaal marka
aad dareenkaaga ku cabbirto qoraal, inuu yaraado cadaadiska kaa soo gaaray
caradaas.
3. Tanaasul:
Haddii qofka kula doodaya hadalkiisu qaylo noqdo, kuuna
muuqato in xaaladdu ka sii dareyso, ka cudurdaaro in wada hadalkaas aad daraf
ka sii ahaato. Qayladu khayr ma soo hoggamiso, bal e wajigabax iyo in la isku
sii xumaado ayaa ka dhalata.
4. Ka Fogow Meelaha Kugu Abuuri Kara Caro:
Meelaha iyo dadka kugu abuuri kara xaalad degganaan la'aan
ah iyo caro, isku day inaad ka fogaato inta karaankaaga ah. Waan dareemi karaa
adkaanta arrinkaa, balse xitaa qofka kugula nool hal guri, waad iska takoori
kartaa ilaa xad haddii uu sabab u yahay xanaaqaaga, si loogu noolaado jawi
nabadgelyo ah.
5. Si Qoto Dheer U Neefso:
Halkii aad qaylo qaylo ku taagi lahayd, isku day in haddii
caro meesha timaado aad hakato, dabeeto si qoto dheer u neefsato, labo daqiiqo
meel fariiso, oo kaliya si degen neef u qaado, haddana si ka sii xasiloon neef
u soo tuur! Iskuna dayn in maankaaga aad ka saarto dhammaan afkaarta. Dhaqankan
ayaa ka saaraya gudahaaga sunta qaraar ee carada ka dhalatay.
6. Fikir Inta Aadan Falcelin:
Marka uu qof kuu gafo ama kaa xanaajiyo, inta aadan caayin
oo gelin giraan caro iyo buuq ah, ama falcelin degdegga bixin, is weydii: Ma
sii caraysnaan doontaa todobaadka soo socda? U malayn maayo. Habaal, arrimo
badan ayaa haddii aan ka fakari lahayn xumaha ka dhalan kara falcelinta aan ka
bixino, aan iska dhigi lahayn dad dhoohan. Dhoohanaanta ama mooganaanta ogaalka
ah, waa kaarto ay isku meel mariyaan dadka caqliga leh.
7. Baddel Xaalka Aad Ku Sugan Tahay:
Marka aad xanaaqdo, haddii aad taagan tahay fariiso. Haddii
aad fadhidana, isku day inaad jiifsato. Isbeddelkani wuxuu kaa caawin doonaa
yareynta xaddiga xanaaqaaga, oo haddii xaalkaaga aad ku sii socon lahayd,
waxaaba dhici kartay inuu khilaafku sii kordho oo noqdo wax aadan dhammaadkiisa
mahadin. Dib u milicso doodihii aad taagnayn, waxaad arkaysaa inay ahaayeen
kuwii aad ugu xanaaqa badanayd, bal e ay yihiin xilliyadii ay curteen
khilaafyadii ugu darnaa ee aad la kulanto.
Waxaa laga weriyay Abbii Dar, inuu yiri: Nebigu (NNKH) wuxuu
yiri: "Marka qof idinka mid ah uu xanaaqo isagoo taagan, ha fariisto, haddii
caradu aysan ka tegin, ha jiifsado.”
8. Ilaahay Shaydaanka Ka Magan Gal, Dabadeed Tiri Ilaa 10:
Marka aad xanaaqa dhadhankiisa dareento, shaydaan ayaa
sababeeyaha koowaad ahe, Alle ka magan gal, dabadeed bilow tiro ilaa 10 ku eg.
Dhaqankan ayaa qaboojin doona foolkaanaha iyo karkarka xanaaqa ku soo haya,
hakinta dareenka inta aadan xanaaq burqan, waxay kaa yareyn kartaa heerka
falcelinta.
―
Magaca Buugga:
— Carabi: غدا أجمل
— Soomaali: Berri Bilicsan
Qoraaga: Cabdalla Al-Maqluuth
Turjume: Yoonis Baarri
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!