Salaan diiran.

0
Sunday September 29, 2024 - 16:10:35 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Salaan diiran.

    Xulo cidda aad raacayso:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulo cidda aad raacayso:



Waa muhiim inaan dhammaanteen ka faa’iidaysano waqtigeena iyo xilliga aan ku bixinno baraha bulshada, gaar ahaan Facebooga oo noqday meel ay adagtahay in lagu joogo maan fayow, meel wax walba laga dhigay wax lagu qoslo, siyaasad muran ah, afxumo ilbaxnimo loo bixiyay iyo diinteena suubaneyd oo laga dhigto madadaalo la iskaga qosliyo.

Talooyinkan ayaana jeclahay inaad ila qaatato, si bal―Ma baddeli karno qaabka bartan loo adeegsadee, aad adigu u noqoto qof feejigan:

Xaddid waqtiga aad ku bixiso baraha bulshada:

Waa meel si fudud kaaga qaadan karta saacado badan adigoo aan is ogayn, taas oo keeni karta inaad waqti muhiim ah lumiso.

Dadka la wadaag wax faa'iido leh:

Had iyo jeer ku dadaal inaad soo geliso waxyaabo dadka anfici kara sida: aqoon, talooyin, xikmad iyo waxyaabo wanaagsan oo bulshada sare u qaada.

Ka fogow muranka iyo dooda aan micnaha lahayn:

Doodaha baraha bulshada badanaa ma laha natiijo togan. Haddaba, haddii aad ku aragto dood aan faa’iido lahayn, oo in waqti la iska cuno ama la iska careysiiyo mooyaane aad meelna loo socon, iska dhaaf oo ha ku lug yeelan.

Xulo cidda aad raacayso:

Raac dadka wax ku soo kordhin kara noloshaada, kuwa dhiirrigeliyo fikradaha wanaagsan, lana saaxiib dadka xogaxa kooban oo waxtarka leh soo gudbiya.

Ka fikir waxa aad soo dhigayso:

Ka hor inta aadan soo gelin qoraal ama fikir, is weydii: "Ma wax fiican oo qofka akhrisanaya faa'iido u leh baa mise maya?" Markii aad hubiso inuu yahay wax wanaagsan, kadib soo dhig.

Yoonis Baarri


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...