Maah-maahyo Soomaaliyeed
1. "Rag aamusay iyo riyo aamusay reerkoodii gabe."
2. "Hadal marqaati leh iyo hilib mindi leh midna laguma margado."
3. "Ninkii labaatan jir ku seexda lixdan jir buu ku ordaa."
4. "Qar intuu jirey quruuruxna wuu jirey."
5. "War la hayaa xiiso maleh."
6. "Ama afeef hore lahaw ama adkeyso danbe lahaw."
7."Nin faas leh qoryo ma waayo."
8. "Nin ku diley hoos kuuma jiido."
9. "Aan wada hadalno waa aynu heshiino."
10. "Dani xishood maleh."
11. "Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay."
12. "Hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa, Aqalkaaga hortiisna ood baa la dhigtaa."
13. "Damac badane dariiquu ku dhintaa."
14. "Madax madow baa miyir ku danbeeyaa."
15. "Calool dheregtay caqli maleh."
Akhriste haddii aadba intaas oo dhan soo akhrisay, oo aad halka soo gaartee, haddii ay jirto maahmaah oo kuu hala haysa, ama aad aad u adeegsato qaybta comments ka nagula wadaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!