Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Soomaaliya Oo Hargeysa Yimid

0
Thursday July 18, 2019 - 15:50:45 in News by
  • Visits: 2970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Soomaaliya Oo Hargeysa Yimid

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Soomaaliya Oo Hargeysa Yimid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Soomaaliya Oo Hargeysa Yimid


Hargeysa(HWN):-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez.



Image may contain: 2 people, people sitting

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dhawaan midawga yurub u soo magacaabay dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez.


 

Kulankan ayaa daaranaa soo dhawayn iyo isbarasho, waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee dalka Somaliland iyo horumarka uu ku tallaabsanayo maalinba maalinta ka danbaysa.

Image may contain: 1 person, standing and suit
Image may contain: 2 people, people standing, suit and indoor
Image may contain: 3 people, people standing and suit

 

Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, mashaariicda horumarineed ee ay midawga yurub ka wadaan Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa, waxa kale oo lagu lafo-guray wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu madaxweynuhu u sheegay safiirka mowqifka ay Jamhuuriyadda Somaliland ka taagan tahay wada hadalo dhexmara labada dal iyo guud ahaan iskaashiga iyo wada shaqaynta midawga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka dhexeeya.



Hadhwanaagnews.com


Loading...
Loading...