Komishanka Doorashooyinka S/land oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Bulshada Caalamka

0
Friday September 27, 2024 - 13:46:13 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashooyinka S/land oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Bulshada Caalamka

    Kulanka waxa ka soo qayb galay wakiillo matelaya dalalka UK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka waxa ka soo qayb galay wakiillo matelaya dalalka UK



Komishanka Doorashooyinka S/land ayaa xaruntooda kulan kula yeeshay xubno ka socda Bulshada Caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya arimaha Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka.

 

 

Kulankan waxa qayb ka ahaa Xubno kale oo iyaguna shirka kala soo qaybgalay habka fogaan-aragga (Call Conference) kuwaasi oo ka qayb qaadanayay kulankan lagaga hadlayay arrimaha Doorashooyinka dalka.

 

 

Kulanka waxa ka soo qayb galay wakiillo matelaya dalalka UK, USA, Sweden, Finland, Germany, Denmark, Taiwan, Belgium, iyo Midowga Yurub, Komishanka Doorashooyinka S/land ayaa uga warbixiyay warbixiyey halka ay marayaan hawlaha diyaar-garowga doorashooyinka JSL oo hadda maraya heer gebogebo ah.

 

 

Xubnaha ka socday Bulshada caalamka ayaa Komishanka Doorashooyinka S/land uga mahadnaqay hawlaha u diyaar-garowga doorashooyinka isku sidkan ee ay Komishanku ku hawlan yihiin.

 

Komishanka Doorashooyinka S/land ayaa iyagu na si gaar ah uga mahadceliyey waddammada UK, Taiwan iyo EU oo taageero dhaqaale ka gaystay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada S/land JSL ee 13 November 2024.


Loading...
Loading...