Maxaa laga yiri in taleefannada gacantu keenaan 'kansarka maskaxda'?
Hay'adda cilmi-baadhista kansarka ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in telefoonnada gacanta ay noqon karaan "kuwa keena kansar". Doodda haayaddan ayaa ahayd xilli hore, balse ma helin caddayn ku filan.
Dib-u-eegis lagu sameeyay caddeymihii la ogaaday ayaa soo jeedisay in suuragal ay tahay oo aan Meesha laga wada saari Karin xogta haayaddaas, balse sida ay u dhigeen aan xaalku ahayn.
Si kastaba ha ahaatee, sababaha tooska ah ee keenaya iyo xidhiidhka tooska ee uu leeyahay ayaan jirin, waxayna ku soo gabagabeeyeen in aysan caddeyn in si qoto dheer ay u muuqato saamaynta ah in telefoonnada gacanta ay si dhab ah kansar ugu keeni karaan dadka.
Hay’ad samafal oo ka shaqeysa kansarka ayaa sheegtay in caddeymaha ay yihiin kuwo aad u daciif ah, isla markaana aan ahayn kuwo lagu qaadan go'aan.
Arrintan oo soo taagnayd muddo dheer ayaan illaa hadda la hayn, caddayn toosa oo muujinaysa kansarka iyo moobillada, inkasta oo ay jiraan ku tiri ku teen badan.
Sida uu qoray mac’hadka kansarka ee Maraykanka, walaaca laga qabo in taleefannada casriga ah ee gacantu ay sababaan kansar amaba dhibaato caafimaad oo kale, ayaa lagu sheegay laba sababood midkood: Taleefannada casriga ahi waxay isticmaalaan hirar shucaac ah, isticmaalka taleefannaduna aad ayuu ugu faafay bulshooyinka caalamka.
Xitaa halis yar oo la xiriirta in ay taleefannadu sababi karaan kansar, ayaa abuuri karta walwal badan marka la eego inta qof ee adeegsata.
Tan labaad waxay tahay in kansarka maskaxda iyo nidaamyada neerfuhu ay yihiin cabsi gaar ah maadaama taleefannada gacanta la saaro dhegta oo madaxa ka tirsan iyo sidoo kale in la ogaaday shucaaca loo yaqaan ‘ionizing’ oo ah mid ka sarreeya kan ay taleefannadu istimaalaan oo sababa nooyo ka mid ah kasarka maskaxda.
Daraasado badano o kala duwan ayaa la sameeyay si loo ogaado in taleefannada casriga ah ee gacantu ay sababaan kansar, balse caddeymaha illaa hadda la helay waxay muujinayaan in aanay wax kasar ah sababin istimaalka taleefannadu.
Cilmi-baarayaashu waxay sameeyeen dhowr nooc oo daraasado dadweyne ah si ay u baaraan suurtagalnimada xiriirka ka dhexeeya isticmaalka telefoonka gacanta iyo khatarta burooyinka, ‘malignant’ (kuwa kansarka) iyo nonmalignant (kuwa aan kansarka ahayn).
Cilmi-baarisyada ‘Epidemiologic’ oo sidoo kale loo yaqaan daraasaadka indho-indheynta waa daraasado ay baarayaashu fiirsadaan kooxo shakhsiyaad ah (dad) iyaga oo uruurinaya macluumaadka dadkaas, balse aan lagu samayn dadkaas wax faro gelin ah ee korka uun lagala socdo.
Laba nooc oo ah daraasaadka cudurrada faafa - daraasaadka kooxeed iyo daraasaadka xakamaynta - ayaa loo isticmaalay in lagu baaro xiriirka ka dhexeeya isticmaalka taleefanka gacanta iyo khatarta kansarka.
Daraasada xakamaynta kiiska ayaa isticmaalka taleefoonka gacanta ayaa la isku barbar dhigaa dadka qaba burooyinka iyo dadka aan qabin.
Nooca daraasad kooxeeedka ayaa la daba galayaa in muddo ah dad badan oo aan qabin wax kansar ah xilliga ay daraasaddu bilaabaynayso kuwaas oo isticmaalaya taleefan iyo kuwa kale oo qaba burooyin balse aan isticmaalayn taleefan ilaa laga gaarayo gabogabada daraasadda.
Saddex daraasadood oo waaweyn oo noocan ah ayaa la qabtay si loo ogaado xiriirka ka dhexeeya isticmaalka taleefanka iyo kansarka waxaanay dhamaantood muujiyeen in aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya.
bbc/somali