DEG DEG Maxaad ka ogtahay saxiixa ay qeybta ka tahay Soomaaliya ee ka dhacay Addis Ababa?

0
Friday September 20, 2024 - 11:44:39 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Maxaad ka ogtahay saxiixa ay qeybta ka tahay Soomaaliya ee ka dhacay Addis Ababa?

    Danjire Warfaa oo ka wakiil ahaa wasiirka warfaafinta,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjire Warfaa oo ka wakiil ahaa wasiirka warfaafinta,


May be an image of 5 people and clarinet


Waxaa shalay ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya saxiix ay qeyb ka aheyd Soomaaliya iyo dalalka kale.

 

Saxiixan oo ahaa midka qorshaha guud ee dalxiiska waara ee 2024–2034 ayaa waxaa qalinka ku duugay wasiiradda dalxiiska ee urur-gboleedka IGAD, kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa.

 

Waxaa xusid mudan in wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya uu ka baaqday shirkan, taas bedelkeedana uu saxiixan u wakiishay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika iyo dalka Itoobiya Cabdullaahi Warfaa.

 

Danjire Warfaa oo ka wakiil ahaa wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Soomaaliya u saxiixay qorshaha guud ee dalxiiska waara ee 2024–2034, kaas oo ay qalinka ku duugeen wasiirada dalxiiska ee dalalka ku bahoobay IGAD.

 

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay kasii dartay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo salka ku haysa is-afgaradkii ay Addis Ababa ku saxiixdeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

 

Heshiiskan oo xad-gudub ku ah qarannimadda Soomaaliya ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda Soomaaliya, iyadoo caddeysay halka ay ka taagan tahay difaaca dhulkeeda, haddii ay Itoobiya ka laaban weydo is-afgaradkan sharci darrada ah.

 

Waxaa sidoo kale fashilmay wada-hadallo uu laba jeer Turkiga u qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya, halka uu baaqday wareegii 3-aad ee shirka dhex-dhexaadinta labada dal, kaasi oo la filayay in uu ka furmo magaalada Ankara.

 

Si kastaba, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa maalmihii dambe hawada isku marinayay hadallo xanaf leh, kuwaas oo qeyb ka ah sii kala fogaanshaha labada dhinac iyo in haatan ay xiisadda kasii darto.

May be an image of 8 people and dais
May be an image of 5 people, people studying and text
May be an image of 10 people and text

Loading...
Loading...