DEG DEG Somaliland Oo Dalalka Carabta U Sheegtay Sababta ay u Xirtay Maktabadii Masar Ee Hargaysa iyo Arimo kale

0
Friday September 20, 2024 - 11:37:57 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Somaliland Oo Dalalka Carabta U Sheegtay Sababta ay u Xirtay Maktabadii Masar Ee Hargaysa iyo Arimo kale

    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta



Xukuumadda Somaliland, ayaa dunida Carabta u bandhigtay sababta ay u xidhay Maktabadda dhaqanka ee Dawladda Masar ku lahayd Caasimadda Hargeysa.


Xukuumadda madaxwayne Biixi ayaa waxa kale oo ay ka hadashay fashilkii ku yimid Midowgii Somaliland ee Soomaaliya.



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta JSL, ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-areexaan) oo u warramay Telefiishanka Al-carabiya oo ka mid ah Warbaahinta Khaliijka Carabta, ayaa sheegay in aanay marnaba suurto-gal ahayn in Somaliland dib ula midowdo dalka Somalia "Midowgii aanu la galnay Soomaaliya wuxuu ahaa mid fashil ah, in aanu dib ula midownaana maaha wax suurto-gal ah.."ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu, isagoo intaa raaciyey in JSL xilligan dedaal ugu jirto sidii ay beesha caalamka uga heli lahayd aqoonsi buuxa.

Wasiirka oo la waydiiyey sababta Dawladdu u xidhay Maktabadda dhaqanka ee Masar ku leedahay Hargeysa, ayaa sheegay in xidhista Maktabadda dhaqanku ay salka ku hayso in hawl-wadeennadeedu faraha kula jireen wax ka duwan sababtii markii hore loo aasaasay.

Loading...
Loading...