Guddoomiyaha UCID oo ku Baaqay in laga Shaqeeyo Midnimada Shacabka

0
Wednesday September 18, 2024 - 09:39:33 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha UCID oo ku Baaqay in laga Shaqeeyo Midnimada Shacabka

    Faysal Cali Waraabe oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi...


Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in wakhti xaadirkan loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo Midnimada shacabka Somaliland.


 

Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay in saddexda xisbi ay ka wadahadli doonaan difaaca qaranka iyo kor u qaadista nabedgalyada doorashooyinka iyo heshiiska is-fahan (MoU) ee dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Itoobiya.



 

Faysal Cali Waraabe oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxa aanu ku heshiinay saddexda xisbi wixii shacabkeena dhibaato u keenaya in aynu iska ilaaliyo, Maanta (shalay) waanu isu imanaynaa saddexda xisbi. waxaana aanu ka wadahadli doonaa dhibaatooyinka taagan in aanu isku siyaasad ka noqono oo ay kow ka tahay difaaca qaranka iyo kor u qaadista nabedgalyada doorashooyinka iyo MoU.”


 

Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa kale oo uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay in aanay hoggaamin dad uu ku tilmaamay in ay cimaadaha iska qaaqteen, waxaanu yidhi "Bulshada waxaan leeyahay yaanay idin hogaamin nimanka cumaamadaha iska qaatay ee xafladaha ka hadla marka gabadh la bixinayo, codkiina idinka ayaa leh Saddexda musharax iyo ku xigeenadooda ayaa la kala dooranayaa, hadii doorashadii lagu heshiiyay waa in aynu hareeraha iska taagno weeye waana in aynu nabad ku codayno, dalka difaacno, Midnimadana in laga shaqeeyo weeye”.

Loading...
Loading...