Saxaafada Iyo Rayiga Dadwynaha (Press And Public Opinions) 19/7/019
· Dadwynahu waa in ay ku dadaalaan sidii ay saamayn ugu lahaan lahaayeen soo xulida xisbiyada siyaasada iyo musharaxiinta kuwaas oo iyga matala .
· Marka siyaasiyiintu qabtaan xafiiska waa in ay ka jawabaan rayiyada dadwaynaha, ee khuseeya arimha dalka, ,
Sidaas darted ariyaga dadwynahu wax uu saamyn ku leeyahay siyaasada dibada ,taasoo ay qaabeeeyan kuwa la soo doortay iyo hogaamiyaasha leh saamaynta, ee mar qabtay xafiiska dadwaynaha
xisbiyada siyaasadu waa awood oo wax ka dejisa siyaasada ,door wayna oo aad u
mahiimana ka ciyaara qaabaynta siyaasada dibada, waxyna raad ku leeyahiin
siyaasda dibada ee dalalka aduunka , iyagoo u sii dhexe xulaya kooxa danaystayaashaa,(interst group )
sikasta ha ahaatee,xisbiyada badan (multypart system ) iyo dowlada wadagiiba ( coalition government ) iyo xisbiyada siyaasaduba (political party ) ee mucaaridkiba waxay matalaan dadwaynaha waxay ku murmaan danta ay leeyahiin taas oo ku saabsan jaangonta siyaasada dibada,
Matalan neoliberal waxay aaminsanyahiin siyaasada arimha
dibadu si xasaasiya oo aad uwayn u saameyso ururada danystayaashaa (.interest groups) waxaana haboon in
saraakiisha dowlada iyo madaxada arimaha dibaduba ay la xaalann ururada gudaha
ee danaystayaashaa, kuwaas oo codkooda u isticmaala olole ay ka qayb qaataan,
iyo dadwaynaha,
Matala ururada danaystayaashii waxay awoodaha saaraan
xoojinta siyaasad, cashuuraha iyo
ilaalinta baayacamushtriga,si ay saamayn ugu yaashaan rayiga dadwaynha iyo kooxaha maaliyada (financed groups ) inkastoo
qaarkood awooda saaraan siyaasada difaaca,(defence policy ) si ay culays ugu
saaraan kuwa siyaasada jaan gooya (policy makers)
Sikastaba ahaatee, sare u kacii isdhexgalka caalmka iyo koridii degdega ahyad ee umadaha caalamku(globalization ) iyo koridii rayiga dadwynha (public opinions) ee khuseeya doorashooyinka iyo codaynta kuwaas oo lagu gaadho goaanka ( decision ) iyo kooxaha waxa cadaadiya (pressure group ) waxay xiiso u yeeshay siyaasada arimaha dibada si ay ugu soo jitaan saamayna ugu yeeshaan, siyaasada gudaha iyo dibadaba, matal codkii laga qaaday dadwaynha ingriiska si ay uga baxaan yurub ,waxay sababtay in muran siyaasadeed oo aad u xoogwayn ilaa hada ka taagan yahay ,laakin hadan alama dhaafi karo codayntii dadka, inkasta oo fikiro badani soo baxeen hadana ,in cod labaad laqado,iyo bilaa heshiis lagaga baxo, hadana nin walba wuu arkaa dhibka Britain ka soo gaadhi kara midowga yurub oo ay ka baxdo,
Waxaa kale oo la odhan karaa kooxa danystaayasha ahi ( interest gropd ) arigtidoodu waa in ay caawiyaan (actors ) una dhaxeeyaan dowlada iyo dadwaynaha, iskuna xidhaan dowlada,noqdaana waadiyo isgaadhsiineed.
Kooxa danystayaashu ( interest groups) ku waxay ka shaqeeyaan waxayna way ku kala duwan yahiin ,waxyna badanaa ka shaqeyaan ,caafimaadka ,xuquuqda biniaadmiga, deegaanka
By: khadar adam aw muuse
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!