Federalka Iyo Aqoondarrida Somalida. W/Q Rashiid Odowaa

0
Thursday July 18, 2019 - 09:35:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Federalka Iyo Aqoondarrida Somalida. W/Q Rashiid Odowaa

    Marka sidiisa loo macneeyo Federal waa wax isku darsi,tusaale ahaan haddii qof uu sito Bariis qof kalena

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka sidiisa loo macneeyo Federal waa wax isku darsi,tusaale ahaan haddii qof uu sito Bariis qof kalena
uu sito baasto oo aynu nidhaahno ma isku darsananaa waxaynu u naqaannaa federeeshin, waxay ku qurux badantahay inaanay qasab ahaan ee la iska codsado hebelow ma isku darsannaa,haddii aanay sidaas ahayn ee khasab aynu iskugu darsanno la yidhaa waxa laga yabaa in dhinac kastaba ay seegto la ciideeyo oo qofna aanu cunin

Marka la qeexayo Federal waa nooc dowladnimo oo maamul goboleedyo dhisan ay ku midoobaan dowlad dhexe iyagoo waxna wada leh waxna kala leh,Sida caadidiga dowladda dhexe  waxay gacanta ku haysaa Dhaqaalaha,arrimaha dibadda iyo Difaaca,halka ay maamul goboleedyadu ay leeyihiin awoodo u gaar ah oo ay u madax banaanyihiin.



Inta badan habka federalka waxa lagu sheegaa inuu yahay Nooca Dowladnimo ka ugu jilicsan uguna liitta,marka loo eego habka "Unitary form” oo ah habka madaxweyne iyo ku xigeen,habkan Federalku wuxuu u nugul yahay kala daadasho ama kala goo go’,sababtu waxa weeyaan maamul goboleedyada ayaa awoodo aan caadi ahayn leh,ama mararka qaarkood u dhow madax banaani,waxase uu ku fiicanyahay ayaa la yidhaahdaa Xorriyaddiisa ayaa badan oo wuxuu u jan jeedhaa xagga (demacratizationka)


Sadex nooc aynu u kala saarno haddaba federalismka,waa noocyada ay ku dhaqmaan waddamada casriga ah,ee horumarka is bidaya,Sida Maraykanka,India,jarmalka iyo waddamo kaloo badan waxayna yihiin sidan

1-Dual federalism Noocan Dowladda dhexe iyo maamul goboleedku ay awooodda qaybsadaan hase ahaattee Dowladda dhexe ayaa aad uga awood badan maamul goboleedka.


2-Cooperative Federalism;waa hab ay wadaagaan awoodo isku mida,maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe marka laga reebo wax yar oo awoodo sharci ah oo loo reebo dowladda dhexe.


3-Fiscal Federalism;waa hab federal oo dhaqaalaha ama lacagtu ay awood sarrayso mar kastaba.waa arrinta keentay in Golaha Congress ka maraykanku inay iyagu xukumaan khasnadda waddanka.


Badanaa Federalku wuxuu ku yimaaddaa rabitaanka shacbiga,oo maamul goboleedku iyagaa soo dooranaya cidda matalaysa,iyo cidda ay gaysanayaan Dowladda dhexe,waxanu ku fiicanyahay is qancin iyo raalli ahaansho,ee kuma haboona xoog,jujuub,iyo tuugaysi.


Waxa dhacda habka federalku wuxuu dhacaa marka uu ka yimaaddo rabitanka dadka maamul gobollada oo aan is bixin Karin dhaqaale ahaan iyo cudud ahaan Sidaas darteed hoosta ayay ka soo dhismaan waxana loo yaqaan "Bottom up” oo kor ayuu u socdaa illaa la wada dhisanayo dowlad dhexe, waana sida faa’iido ku jirto,hase ahaattee waxa jirta mar dusha laga keeno oo la yidhaa khasab hoos ha loogu daadejiyo.taas oo u ekaanaysa Fooq la yidhi xagga sare ha laga soo bilaabo oo hoos ha loo wado,waxa noocan loo yaqaan "Top dhown” macnaha dadka dusha ha lagaga keeno dowladnimada ka dibna madaxa ha lagaga garaaco khasab ha ku qaattaan,hoos ha u dadegto,waa dhibta hadda haysatta Somalia waa sida ka dhacday Koonfur-galbeed Somalia,imikana ka taagan Gal mudug, iyo Jubba land,waxa kalood ka arkaysaa muranka Somalia iyo Somaliland oo iyagu haba yaraatee aan habeenna waxba isku darsan,dee isma qaban karto dad aan wax isku darsan inay is yidhahdaan anigaa ku xukumaya oo waxan kugu xukumaya hab ashkato ama dacwad ah,sida hadda ay adhigii sucuudiga ugu maranyihiin Somalia dee ma waddan ayaa lagu maamulaa dacwad wax macno ah oo ay kordhinayso ma jirto oo aan ahayn kala fogaan,waxa jirta waddamadii lagu bilaabay federalka khasabka ah ee Ingriisku u yeedhiyay 1914kii waxa ka mid ahayd Nayjeria hase ahaatee illaa maanta ma deggana wallow ay ka soo wareegtay muddo qarni ka badan, sidaas darted qaylo aan damayn ayay u tahay Somalida.


Federalka illaa sagaal nooc ayuu ku samaysmaa inta la yaqaanno waxa ka mid ah.Federal,Confederal.federation,federacy,Consosiation,Union,league,condominium iyo Amalgamation hababkan ay ku soo dhismaan way kala duwanyihiin oo Matalan waddamo aan xad wada lahayn ayaa federal ku noqon kara hab difaac is gaashanbuuraysi,sida "Arab league” waxa jira wadamo ku heshiiya haddii cadow isoo weeraro iga difaac taas beddelkeeda Saldhigyo military ka samayso wadankayga lkn sida kale madax banaani aan ahaado waxa loo yaqaan "Federacy” wadamadanoocan ah ee baqaha kula shuraakoobay waddamo kale waxa ka mid ah Costa Ricco oo Maraykanka la ah federacy, iyo Domenica oo Faransiiska la ah Federacy sidaas darteed waa noiocyo badan yahay federalku,dhamaan waa noocyo wax isku darsi,isu hiilin,is ogaansho iwm,


Haddaba isku soo wada duub oo hab Federal iyo khasab meel wada joogsadaan, ee dhinac kale hadaan u dhigno waaba wax isa siin iyo isu tanaasul,waxa dhici karta in maamul goboleed dhaqaalihisu sarreeyo uu kabis siin karo mid kale oo uu dhaqaalihiisu hooseeyo iyadoo la marayo hab sharciyed,ogow dad ay isu keentay tabar yaraan iyo is gaashaan buuraysi in haddana awood ayaanu wax ku dhisaynaa la yidhaa waa laba arrimood oo kala fog,waxa fiicnaan lahayd in Somalidu kolka hore aqoon u yeelato habka federalismka ka dibna ay soo maraan wadiiqooyinka ay ku dhismeen waddamadii ka horreeyay oo habkan dowladnimo ku faa’iiday ka dibna ka eegtaan ama ay naqshadda ka xadaan,waxase meesha ka muuqatta in Somalidu kala garanwaayeen habkii kali tailsinimo ee ahayd tayda ayunbaa soconaysa iyo habka federalka oo runtii u baahan farsamooyin(Mechanism)badan.

Wa billaahi towfiiq

 

Rashiid Odowaa   M.A diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...