Maraykanka Oo Turkiga Ka Jaraya Saanad Muhiim Ah
Maraykanka
waxa uu sheegay in Turkiga si rasmi ah looga saaray dalalka ka faa'iideysanaya
diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee casriga ah ee uu Maraykanka soo saaro kadib
markii Turkiga uu habka difaaca gantaalada cirka kasoo iibsaday dalka Ruushka.
Maraykanka waxa ay qabaan in qalabkaas uu yahay mid basaas oo xogta ka xadi kara barnaamijka F-35.
Ruushka ayaa bilaabay in uu Turkiga ka dajiyo hubka S-400 todobaadkii hore.
Maxay yihiin gantaaladan?
S-400
waa magaca guud ee gantaalo kala duwan iyo raadaaro lagu illaaliyo hawada,
balse nooc kasta oo uu Turkiga iibsanayo, waxaa meesha ku jirta xaqiiqda ah in
hubkan uusan la falgali karin habka nabad gelyada NATO.
Waxaa
arrintan ka mid ah in habka raadaarka ee lagu difaacayo gantaalada dhulka laga
hago iyo kuwa la'iska soo liishaamo, balse dhibka jira ayaa waxa uu yahay ee ay
NATO ka welwelsantahay in habkan loo sameeyay qaabab ku jaan go'an hadba
masaafada cirka ee uu gantaalka ku socdo iyo waliba nooca uu yahay, taas oo
meesha ka saaraysa in la qiyaasi karo.
Ruushka
waxa ay sameeyaan difaac cir oo wanaagsan, balse in qalabkan laga dhaqangaliyo
dal NATO ka mid ah waxa loo baahanayaa tabobar cusub iyo waliba kaaliyeyaal ka
socda Ruushka oo goobta jooga si ay wax u qabtaan haddii ay wax qaldaan.
Waxaa laga walwalsanyahay waxa saraakiisha Ruushka ay ogaan karaan marka ay rakibayaan qalabkan.
Tan
waa waxa aad usii luraya Maraykanka, sababtoo ah Turkiga waxa uu doonayaa in uu
hawlgaliyo diyaaradaha F-35 ee uu Maraykanka sameeyay, taas oo Ruushiyaanka ay
ogaan karaan sirta ku saabsan samayskeeda.
Dhawr
diyaaradood oo noocan ah ayaa kal horeyaba lagu wareejiyay Turkiga, waxaana
jira duuliyeyaal Turki ah oo hadda ku tabobaranaya diyaaradahan Maraykanka
gudihiisa.
Turkiga
waxa uu sheegayaa in halka gantaalada iyo difaaradaha F-35 ay ku shaqayn
doonaan ay ka soocnaan doonto meesha lagu hawlgalinayo kuwa Ruushka.
Turkiga
ka sokoow, Ruushka waxa ay hadda heystaan sifooyin kale oo ay ku helaan xogta
Maraykanka, tusaale diyaaradaha F-35 waxaa isticmaala Israa'iil, waxaana
macluumaadka habkan casriga ah uruurin kara raadaaraada Ruushka ee Suuriya
yaala.
Maraykanka
waxa ugu weyn ee ay ka baqayaan ayaa ah in Ruushka uu helo xogaha muhiimka ah
ee habka difaaca NATO ee cirka, meesha ay uga soo dhacayaane ay tahay Turkiga
oo ay ka iibinayaan gantaalada S-400.
Maraykanka
go'aankiisa waa cadyahay, ku simaha xoghayaha difaaca Maraykanka Patrick
Shanahan ayaa warqad uu u qorey ragga dhiggiisa ah ee Turkiga u sheegay in
haddii ay ka laaban waayaan heshiiska Ruushka, in duuliyeyaasha tabobarka ku
jira ay tahay in ay Maraykanka isaga tagaan 31-da July.
Sidoo
kale waxa ay gebi ahaanba joojiyeen in qalabkii habka difaaca cirka ee F-35 la
geeyo Turkiga. Taas oo kaliya kuma eka, qeybo badan oo diyaaradahan ka mid ah
waxaa lagu warshadeeyaa Turkiga, tusaale 937 qeybood oo diyaaradaha F-35 waxaa
lagu sameeyo Turkiga qeyb ahaan, balse Maraykanka hadda waxa uu u weecday dalal
kale in ay qeybaha kasoo iibsadaan.
Intaas oo kaliya kuma eka arrimaha, haddii Turkiga uu ku adkaysto go''aankiisa, waxaa su'aal la galin doonaa xubinimadeeda NATO.
BBC


0 





