Sadex Qodob Ayaa Keenay In Farmaajo Guddidan Cusub Magacaabo...W/Q Axmednasri Daahir

0
Wednesday July 17, 2019 - 21:58:11 in Articles by
  • Visits: 2513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadex Qodob Ayaa Keenay In Farmaajo Guddidan Cusub Magacaabo...W/Q Axmednasri Daahir

    Sadex Qodob Ayaa Keenay In Farmaajo Guddidan Cusub Magacaabo...W/Q Axmednasri Daahir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sadex Qodob Ayaa Keenay In Farmaajo Guddidan Cusub Magacaabo...W/Q Axmednasri Daahir


Guddida uu magacaabey Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo, magac kasta ha ula baxo ee saddex qodob midkood ama dhamaantoodba uunba keeney in uu wakhtigan guddi magacaabo isaga oo intii uu xilka joogey wada hadalada ka cago jiideyey.

Image may contain: 1 person, standing and suit


1. Inuu uu waayey dariiq kale kana soo xidhmeen wadooyinkii kale ee uu islahaa ku dhaawac midnimada Soomaliland garowsadeyna in wada hadal mooye aan si kale waxba kaga suuro galeyn arrinta Somaliland walow qiiq isku qarin iyo is diidsiin xaqiiqada hortaagan uu magaca gudida u ku ladhey dib u heshiisiin.


2. In uu dareemay culuyska siyaasada arrimaha dibada ee wakhtigan dambe iyo xidhiidhada badan ee Somaliland sameyneyso, dooneyana inuu adduunka ku tuso inuu diyaar u yahay wada hadalada si addunyadu u tidhaa ama wadanadda xidhiidhada dhow la sameyneyey soomaliland dib ugu joogsadan isna yidhaahadan ka dhursuga wada hadaladooda ooy ka tahay maax dumin.


3. In culeys kaga yimid dhanka reer galbeedka oo ka cadhoodey kulankii baaqdey ee Nairobi oo ay ku khasbeen inuu bilaabo maadmo aanu ka hor iman karin kuna tiirsan yahay.


Arrinta kale waxay tahay in kastoonana hubin waxaan maqleya in 2 nin oo gudida ka mid ahi asal ahaan ka soo jeedan Somaliland taaso wada hadaladii horeba wiiqdey.


Hadaba Somaliland ahaan muhiim wax inoo ah in aynu helno gole garnaqsi oo addunkuna goobjoog yahay kuna muujine sharciyan sida aynu xaq ugu leenahay aqoonsigeena inagoo ka duuleyna taariikhda iyo go'aanka shacabka ee maanta. Taasina maaha mid aan uga baqaneyo iney hoos marto madaxweyne Biixi iyo guud ahaan dowladeenaba.

Ahmednasri.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...