Aqoonayahankeena , wadaadkeena , siyaasigena , suuganyahankeena dhamaaantood ma isku wada caqlibaa ?..Guuleed Maxamed Ismaaciil
Dadkeenu hadal iyo aqoon aan afka dhaafsiisanayn ayay hayaan , aqoonta iyo caqliga caawin kari la'a dadkiisa baahiyaha gaarka ah qaba muxuu kaloo hagaajinaya ama wax ka qabanaya!

Ninkaasi Naafada ah wuxuu u yimi masaajidka inuu ku tukado Allahi abuurayna ku caabudo
Nasiib daro jamicii inuu ku dhex tukado ma awoodin kaligii baanu iska xidhay, wa xusid mudan inaanay dhibaatadani ku eekayn masaajidada oo kaliya ee goobaha waxbarashada , ganacsiga , wasaaradaha iyo inta badan meelaha bulshadu isugu timaada malaha jaran jarooyinkii dadka baahiyaha gaarka ah qabaa isticmaali lahaayen.
Waxa xaqiiqa in muwaadinka lamidka ah ee dalalka kale ee aduunka ku nooli uu xaqiisii iyo xuquuqdiisii uu helo meelkastana uu gali karo loona sii diyaariyey .
Hadaba dadkeenu waan inay dib iskugu noqdaan oo kii goob ganacsi dhisanaya kii meel dawladeed masuul ka ah iyo masaajid ka masuul ahiba uu dadka baahiyaha gaarka ah qaba u diyaariya goobihi ay isticmaali lahaayen sidii goobta ay danahooda uga qabsan lahaayeen.
Illahay dadkeena baahiyaha gaarka ah qaba ha u gargaaro Aamin Aamin.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





