Maxay Tahay Fariinta Saylici Udiray Turkiga Ee Somaliya & Somaliland Ku Saabsan?
Hargaysa (HWN) Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dalka Turkiga ugu baaqay inuu dhex ka ahaado arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya.
"Madaxweynaha
Turkiga Rejab Dayib Erdoğan marar badan
waxaanu ku boorinay inuu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha khuseeya Somaliland iyo
Soomaaliya.markii uu xukunka qabtay Erdoğan waxaanu ku tilmaamnay inuu yahay
Ataaturki oo kale," ayuu yidhi Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo farriin
qoraal ah ku baahiyay bartiisa X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka
Somaliland ee SOLNA.
Md. Cabdiraxmaan
Saylici wuxuu u sheegay Turkigu
ogaadaan in Somaliland ay qaadatay
xornimadeeda 1960-Kii isla markaana
aanay Somaliland abuurin xudduudaha Afrika ee soo jireenka ah.
Madaxweyne ku-xigeenku
wuxuu ugu baaqay Turkiga inuu dhexdhexaad ka ahaado arrumaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.