Xidhiidh Ayaa Ka Dhaxeeya Karti-darrada Iyo Qabyaalada...W/Q Mohamed O. Hagi Mohamoud

0
Wednesday July 17, 2019 - 19:39:53 in Articles by
  • Visits: 1304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidh Ayaa Ka Dhaxeeya Karti-darrada Iyo Qabyaalada...W/Q Mohamed O. Hagi Mohamoud

    Xidhiidh Ayaa Ka Dhaxeeya Karti-darrada Iyo Qabyaalada...W/Q Mohamed O. Hagi Mohamoud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhiidh Ayaa Ka Dhaxeeya Karti-darrada Iyo Qabyaalada...W/Q Mohamed O. Hagi Mohamoud


Aqoonyahannada shisheeye ee cilmi baadhista PhD ama Postdoctoral Research Soomaalida ku sameeyey ama wakhtigan ku sameynayaa waxa ay mar walba ku doodayaan in Soomaalidu dawladnimada iyo diinta ay qabiilka ka jeceshahay (Schwoebel, 2010; I. M. Lewis, 2002).

Image result for maxamed hagi


Tafsiirka ama faallada ugu weyn ee cilmi baadhayaashu sameeyaan (Scholarly Interpretation) inta badan sidan ayaa gundhig u ah. Marka la ga reebo in yar oo "paradigmshift” sameysay oo cilladda dawladnimo meel kale u sibirsaartay (Kapteijns, 2004; Samatar, 2003).


Inkasta oo takhasusaadkayga cilmibaadhiseed (PhD Research) aannu ammuraha Soomaalida ku lug lahayn oo uu ku saabsan yahay siyaasadda iyo falsadadda Turkiga ee Africa, haddana kollay waxa aan ahay qof Soomaali ah oo wax badan ayaa ii ga bixi kara Soomaalida aan ka midka ahay dhaqansiyaasadeedkooda bulsho iyo kan dawliga ah labadaba.


Waxa hubaal ah in mar wal oo karti darro-qofka Soomaaliga ah ku timaaddo uu miciinsado qabyaalad. Tusaale ahaan, marka qofka Soomaaliga ah ay ku timaaddo karti-darro siyaasadeed, karti-darro shaqo, karti-darro ganacsi, karti-darro diineed, karti-darro ganacsi, karti-darro hal abuurnimo waxa cad in uu si daahfuran u miciinsado qabiilka si uu qabyaaladda ugu qariyo oo uu marmarsiinyo ugu sameeyo karti-darradiisa.

Mohamed O. Hagi Mohamoud

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...