Golaha Wakiilada SLAND Oo War Ka Soo Saaray Xasaanada Xildh. Maxamed Abiib.
Golaha Wakiilada
Somaliland ayaa maanta kulan deg deg ah oo ay Hargeysa ku yeesheen ku diiday
codsi uu horey ugu gudbiyay Xeer Ilaalinta Somaliland oo ay dowladdu ku
dooneysay in xasaanadda looga qaado Xildhibaan Maxamed Abiib.
Go’aankan Golaha
Wakiilada ayaa yimid maalin kadib markii Ciidamada Somaliland ay Garoonka
Hargeysa ka qabteen oo ay xireen xildhibaanka.
57 Mudane oo fadhiga ku
sugnaa, ayaa 51 ka mid ah diiday eedaha loo soo jeedinayay xildhibaan Abiib,
saddex mudane ayaa taageeray, halka laba kale ay ka aamuseen.
Go’aankan ayaa meesha
ka saaraya dacwadda ka dhanka ah xildhibaanka ee baarlamanka hor taalay.
Xildhibaanka oo hadda
ku jira jeelka Mandheera ee magaalada Hargeysa ayaa xafiiska xeer-ilaalinta
Somaliland uu horey ugu eedeyay "khiyaano qaran, sumcad dil ciidanka
Somaliland, taageerista cadowga Somaliland iyo inuu ka horyimid danaha qaran.”
Xiisad ka dhalatay
xarigga xildhibaan Maxamed Abiib ayaa hareysay kal fadhigii Golaha Wakiilada ee
maanta iyo qaar ka mid ah xildhibaanada la arkayay iyagoo isugu gacan qaadaya.