"Dagaalkii DP World, Xayiraadii Xoolaha Iyo Mashruucii New Deal Waxay Ahaayeen Dagaal Toos Ah Oo Lagu Qaaday Somaliland"Senetor Mustafe Qodax
Muqdisho(HWN):-Senetor Mustafe Maxamuud Qodax oo ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay talaabooyinka xayiraadaha ah ee ka dhanka ah somaliland.
Senetor Mustafe Qodax ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu dawlada federaalka ah ku canaantay talaabooyinka ay qaaday ee ka dhanka ah dhaqaalaha iyo horumarka somaliland, isaga oo sheegay inaanay ahayn qaar horseedi kara in markale midaw dhexmaro labada dawladood.

Senetor Mustafe Qodax ayaa qoraalka uu soo saaray waxa uu dhignaa sidan:-
INAD SAAMO JIIDIYO, SANQADH TIRASHO KALA DAA
Waan jeclaan lahaa inaan arko intaan noolahay
ummada soomaaliyeed oo gacmaha is haysata oo hal dawlad ah ku midaysan, balse
rajada aan ka qabo inay taasi dhacdo way sii gudhaysaa.
Waxa isu kay qaban la' inay dawlada federaalka soomaaliya tidhaahdo waxanu
masuul ka nahay ummada ku nool dhulkii jamhuuriyadii soomaaliya ka talin jirtay
oodhan hadana ay qayb kamid ah, cunaqabatayn saarto.
Dagaalkii lagu qaaday DPW, mashruucii new deal, warqadda xoolaha lagaga
mamnuucay inay Berbera ka dhoofaan iyo hagardaamooyin badan oo kale oo dawlada
federaalku samaysay waxay ahaayeen dagaal toos ah oo loola badheedhay shacbiga
reer somaliland in lagu bar tilmaameedsado noloshooda, tallaabooyinkaas
dhammaantood waxa ka dhashay cawaaqib saamayn taban oo wayn ku yeeshay quluubta
dadka, islamarkaana saddex jibbaaray walaaca dadka reer somaliland ka qabaan
midnimo danbe oo soomaaliyeed.
Waxa muuqata in mixnada soomaali dhextaallaa ay kasii darayso, batroolka ugu
badana koonfur lagaga shubayo. Koonfurta soomaaliya wali waxa ku sugan dad
badan oo reer somaliland ah oo isugu jira siyaasiyiin ku jira golayaasha
dawlada, ganacsato iyo aqoon yahan kale oo siyaabo kala duwan uga shaqeeya
koonfurta soomaaliya mana dhacdo in mar qudha wax laga waydiiyo arimaha quseeya
masiirka iyo nolosha dadka reer somaliland siiba marka la gaadhayo go'aano
xasaasiya sida kan xoolaha ee hadda taagan.
Markaan eego sida wax usocdaan, markaan si fiican u dhegaystay qudbadihii AHUN
ina cigaal ee khiyaamadii lixdankii, markaan arkay in siyaasiga reer koonfureed
waxkale iska daayoo aanay ogolayn in dhalinyarada looga sheekeeyo sidii ay ku
timi midnimadii 60kii, markaan arkay in dagaalku ku wajahan yahay shicibka
somaliland ee aanu ku wajahnayn siyaasiga somaliland, markaan arkay,
isdiidooyinka ficil iyo qawl ee dawlada federaalka (midnimada soomaaliya waa
muqadas odhaah aad inta badan ka maqlayso madaxda somaliya iyo ficil kaa kasoo
horjeeda 100%), markaan arkay inay dawlada federaalku wada hadaladii somaliland
iyo soomaaliya ka door bidayso inay wax muquuniso iyadoo ka faa,iidaysanaysa
aqoonsiga dunida.
Arimahaas oo dhammi waxay keeneen in la sii kala fogaado, anagana
(siyaasiyiinta reer somaliland ee koonfur joogta) anu ku noolaano dacar, waa
inta damiirka lehe waxan ugu baaqayaa inay shir degdeg ah isigu yimaadaan
siyaasiyiinta ku jirta golayaasha dawlada oo lagaga arinsanayo mashaqada iyo
xumaanta loola badheedhay dadkayaga
Wabillaahi tawfiiq


0 





