War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Guddida Dhab U Heshiisiinta Iyo Wada Hadalada Somaliland

0
Wednesday July 17, 2019 - 17:39:14 in News by
  • Visits: 7461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Guddida Dhab U Heshiisiinta Iyo Wada Hadalada Somaliland

    War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Guddida Dhab U Heshiisiinta Iyo Wada Hadalada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Guddida Dhab U Heshiisiinta Iyo Wada Hadalada Somaliland


Muqdisho(HWN):-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.




Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah:


1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow).
2. Dr.Cali Siciid Fiqi.
3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse.
4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli).

Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah:
1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.
2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.
3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.
5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.

DHAMMAAD

 

Loading...
Loading...