Labaatankii Qodob Ee Aan Ugu Magaca Daray M. Biixi Hoggaamin Aan Lamahadin!
WQ; Cabdinaasir Axmed Abraham
Labaatan qodob oo aan
u arkay in ay sumad u yihiin dhama' hoggaaminta Madaxweyne Biixi oo aan
si googoos ah u wadaagnay ayaan haatan bartan idiinku soo gudbinayaa
iyaga oo xidhiidh ah. Qoraalkani wuxuu ka turjumayaa aragtidayda qofeed
iyo sidii ay wax iila muuqdeen, adna waxa aad xaq u leedahay in aad
taada cabbirto ma dhibsan doono haddii aad igaga soo horjeeddo, xaqna
uma lihid in aad badax-bannaanida aragtiinkayga ku xad gudubto.
Ixtiraamku waa innoo dhex, waana waxa ugu weyn ee innaga dhexeeya.
Khaladka farsamo ee ugu weyni wuxuu dhacay markii aan qarnigii
21aad askari keligii saxane ah oo wax walba yaqaanna u dooraynay
hoggaanka dalka. Hasa yeeshee, bal aniga oo ka dab-qaadanaya hannaanka
garasho ee hoggaanka dalka aqoonta aan u leeyahay sow ma habboona in aan
halkaa ka oddoroso jahada aynu u kacnay in ay tahay mid aan u lunnay?!
Astaamaha waaweyn ee guul-darrooyinka hoggaaminta M. Biixi farta ku
fiiqaya waxa aan ugu horreysiin lahaa;
1. Waxa jira dhaqaale burbur noloshii dadka oo dhan taabtay, waxa gebi
ahaan ba suuqyada ka istaagay dhiskii iyo kala-iibsigii dhulka iyo
guryaha sababo la xidhiidha heehaabka sixirka Sarrifka. Ganacsatada oo
la saaray culays badan oo aanay qaadi karinna waxa ay sababtay hoos u
dhac ku yimid wax soo iibsigii. Sida oo kale, sarrifkii Dollar ka
qiimaha ay ganacsatadu wax ku cashuuran jireen ayaa la kordhiyay. is
biirsiga dhammaan arrimahaa aan xusnay iyo kuwa kale oo jira waxa ay
suuxiyeen dhaqdhaqaaqii ganacsi ee suuqa.
2. Jeelasha ayaa buuxsamay oo xadhiggii baa ciidda ka batay, waxa la
xidhxidhay dad xasaanad haysta, taasina waa calaamad inna tusaysa in
sharcigii uu duuduubay Madaxweyne Biixi mana aha wax cusube waa dhaqan
askartu leedahay!
3. Ciidanka Qaranka dhexdiisa waxa ku faafay xannuun halis ku ah
midnimada cududda ciidan qaran. Taasi oo salka ku haysa siyaasad
gurracan.
4. Shan iyo toban bilood ayuu madaxweynuhu xallin kari la' yahay
khilaaf aad iyo aad u yar oo ku saabsan wax ka beddelka guddiga
doorashooyinka. Taasi oo haatan u eg in madaxweynaha oo halka uu qabsado
loo jaro ma ogi'e aan xal kale jirin. Doorashadana dalka wax badan baa
kaga xidhan, daneeyayaashuna inta badan safarradii ay dalka ku
yimaaddeen waxa ay madaxda dalka oo uu Madaxweyne Biixi ugu sarreeyo
kala hadlayeen qabsoomista doorashada.
5. Madaxweynaha walaalkii ayaa inta uu qurbe ka soo guuray dad
masaakiin ah ku dulmaya shaadhka walaalkii Madaxweyne Muuse Biixi oo
dhulkoodii ka kicinaya awood na u haysta. Waa ceeb, waa wax aan dhicin
intii aan garaadsaday, waa wax laga yakhyakhsoodo marka damiirku nool
yahay!
6. Hargeysa oo aan ka war qabo waxa xidhmay lix shirkadood oo kuwii
dhiska ah oo iskugu jira yaryar iyo waaweyn, sida oo kale waxa xidhnay
joornaallo badan, hudheellada albaabada la isku laabay kaddib intii uu
hoggaanka dalka M. Biixi qabtay iyagu way tiro beeleen!
7. Musuqa iyo xatooyada xoolaha ummaddu iyagu waa war la qabaa xiiso ma leh oo wax ba sheeg madiisu idiin tari mayso.
8. Saami-qaybsiga; Horta saami-qaybsi lama odhan karee WADA-QAADASHADA
haddaan wax ka idhaa habka uu madaxweynuhu yeelay waan ka xishoonayaa in
aan wax ka qoro. Xikmad Soomaalidii ahayd "LABA WALBA ISA SAARAY OO,
LABA ISMA SAARIN" ayaa maskaxdayda ku soo dhacday waxa aanan filayn
habkan madaxweynuhu yeelay. Madaxweyne M. Biixi nin weyn oo qabiili ah
oo dheg-xumada reerkiisa wixii ku keenaya kala ordi doona ayaan u
haystay. Hasa yeeshee, taana waa beeniyay oo wuxuu xukumaddiisa u soo
dhistay, sidii oo aan la noolaan doonin! Quruxda Somaliland iyo wada
jirkeeda muu dhawrin, midnimada Isaaq dhexdiisa muu dhawrin, aqoon wax
kuma soo xulan, Khibrad iyo waayo-aragnimo kuma dooran golahiisa
wasiirrada. Hal qodobbaan dhanna u dhaafin waayay oo ah in RABBAAYAD ay
wada yihiin Wasiirradiisu ayaan u arkay tiir-dhexaadkii xulashada M.
Biixi.
9. Dagaalka Puntland; Gambadha iyo Tuke-rag oo 22 kilometre isku jira
dhaqaaqa ciidanka Somaliland sameeyay macne alle macne ku jiray mar
haddii aan xadka la gaadhayn oo aan ahayn;
- In dhaqaale ahaan lagu burburay,
- In niyad-jabin ciidan laga dhaxlay,
- In khasaare naf iyo maal oo labada geesood ba ahi ka dhashay iyo In
lagu waayay taageero badan oo dadkii deegaanka lahaa ahi ma jirto. Hadda
ba caqliga bed-qabaa wuxuu ku weydiinayaa haddii aan ujeedku ahayn in
xadka la soo xidho waxaas oo khasaare ah maxaa loo galay?!
Isku soo-wada-xoori oo in Madaxweynuhu dagaal u xiise qabay oo
uu ka raagay sidaana lugu galay dagaal aan loo diyaar ahaan oo
rabitaanka Madaxweynaha salka ku haya hasa yeeshee aan xikmad kale ku
jirin uun baan dhanna u dhaafin waayay.
FG; Lix goor baan maray intii dagaalku meesha ka socday ee ciidanku is
hor fadhiyeen waxa aan ahay nin ugu yaraan qiyaasi kara faraqa labada
ciidan agab ahaan, tiro ahaan iyo tayo ahaan ba. Sida oo kale, xaggan
Somaliland na waan ka warqabay, xagga Puntland madaxda dawladda ugu
sarsarraysa ayaan la kulmayay oo arrintan waxka weydiinayay. Geesta kale
labada shacab ee Somaliland iyo Puntland ba ra'yigooda iyana xog ogaal
baan u ahaa. Gaar ahaanna beesha Dhulbahante ee la isku kor dilayo
aragtiinkooda dagaalka wadaad iyo waranle ba waan ka war qabay.
Intaas oo dhan marka aad isku geyso dadka ugu habboon ee arrintaa
wax ka odhan kara ayaan ka mid ahay, faanna maaha, beenna maaha!
Dulucda hadalkayguna waa in aan Soomaaliland dagaalkaa ku guulaysan.
Sababtuna waa in ciidanka qorshe la'aan lagu dagaal galiyay.
10. Dhaqan madaxeed, dul madaxeed, af madaxeed iyo gacan madaxeed midna qaranku kuma qabo M. Biixi
Sida aad wada og tihiin waxa jira sifooyin wanaagsan oo qofkii talo
ummaddeed haya ee lagu arko ku ammaannan yahay ama lagu majiirto. Sida
oo kale, kuwa iyana kuwaa lidka ku ah oo ciddii lagu arko bar madaw ku
ah oo dadku kaga fiigaan iinna ku ah qofka caadiga ah madax na hadalkeed
ba daaye waxaana ka mid ah kuwa aan kor ku soo xusnay!
Saddexdan arrimood ee aan is-daba-dhigay mid walba maraggiisa iyo
markhaatigiisa ayaan ku lifaaqi si luugu qanci karo. Aan sidan u kala
horreysiiyo;
B. DHAQANKA MADAXEED
Dhaqannadii madaxweyneyaashii Somaliland u kala dambeeyay laga bartay,
gaar ahaan kuwii wanaagsanaa ee xasuusta reebay oo aan kuwan hoose
hogo-tusaale uga soo qaadan karno, waxa ka mid ahaa;
- XILKASNIMO IYO TUDHAALE; hoggaamiye kasta marxallado adag oo aayaha
dadka iyo dalka ba shucaac geliyay ayaa soo maray. Hasa yeeshee, xal u
helista mushkilaadkaa waxa sees u ahaa xilkasnimada iyo tudhaalaha
hoggaanka dalku la yimaaddo. Taasina waxa ay ka dhalataa dareenka
madaxnimo ee hadba hoggaanka laga arko. kaasi oo haddii uu gaadhsiisan
yahay heer uu dareemayo in ummadda oo dhan uu mas'uul ka yahay xil na ka
saaran yahay waxa dhacdooyinka siyaasiga ah laga arkaa dhaqankiisa
madaxnimo.
Hadda ba Madaxweyne Biixi markii uu mucaaridka ahaa iyo hadda oo uu
madaxweyne yahay wax farqi ah oo u dhexeeya ma jiro. Dareenka madaxnimo
qawl ahaan iyo ficil ahaan ba kama muuqdo.
Shacabkuna indhaha Madaxweyne Biixi waa u laba uun. Cid raacday oo
isaga la jirta iyo cid aan isaga raacin oo ka soo horjeedda!
- CAFISKA IYO CALLOOL FAYOOBAANTU DHAQAN UMA AHA M. BIIXI
Cafisku waa sifooyinka aadka u wanaagsan ee lagu guulayso waana wax aan
dadka badankoodu isku karin, shakhsiyaadka cafiska caadaystaa dadka way
ka tilmaaman yihiin. Aar-gudashadu maaha dhaqan madaxeed M. Biixi
aar-gudashadu waa u caado. Maalin ninkii il-qalloocda ku eegay M. Biixi
ma illaawin ma awoodo sidii (AHN) Madaxweyne hore Maxamed Xaaji Ibraahim
(Cigaal) iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in uu xil u magacaabo
kuwii ugu xagxagashada xumaa ee dhibay. Taasi waa arrin ragannimo badan u
baahane haddii ciddii M. Biixi maalin hadal xanaf lehi dhex maray ay ka
eed la'aato buro ayay siddaa!
T. DUL MADAXEED
Xadhigga badan ayaa calaamad u ah damqashada iyo dul yaraanta M. Biixi.
Sida oo kale cabashada, gocoshada, tamashada iyo garnaqsiga uu had iyo
gooraale warbaahinta la taagan yahay ayaa ka marag ah baraq-nugaylka iyo
bayrtiisa. Wuxuu se illowsan yahay in ay madaxi tii la caayo tahay!
Cali Jaamac Haabiil (AHN) mar uu hoggaamiye Xirsi la odhan jiray ammaanayay meerisyadii dushiisa uu ku xusay waxa ka mid ahaa;
Gaadiid la dhaanshuu ahaa, gibil ma diidaane
Guraduu na wada saari jiray, goconeeyee mooyi.
J. AFKA MADAXEED
Tan iyo maalintii la doortay Madaxweyne Biixi maalin uma hadal si
madaxweyne. Habka asluubta badan ee madaxdu u hadasho ee sababta u noqdo
in la xiiseeyo oo aad loo dhegaysto waxa ugu mudan qodobbadan;
● In aan qofka madaxweynaha ahi xilli walba hadal oo aanu hadalkiisu
dadka ku badan taasi oo lumiso xiisaha loo qabo maqalka hadalkiisa.
● In hadalku in aanu dheeraan ee uu noqdo mid kooban oo duluc abbaar leh.
● In hadalku goortiisa iyo goobtiisa leeyahay, oo aanay jirin hal seegnimo iyo hogseegnimo labaduba.
● Wax qadaf ab oo xasaasiyadi ka dhalan karto in aan lugu arkin hadalka madaxweynaha.
● Hadal sogor-dohan oo aan qaawannayn .
HADDALLADII DEELQAAFKA AHAA EE M. BIIXI HAWADA MARIYAY WAY BADNAAYEENE BAL KUWAN WAX KU DAR.
Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Af-xumo nabadna waa kaa kaxaysaa colaadna wax kaagama tarto.
" Reer Berbera dadka badda u dabbaal yimaad bay kabaha ka xadaan!" M. Biixi
"Awoowyaashiina waanu ka adkayn (Daarood), idinkana waanu idinka adkaanay, aabbayaashiina waanu ka adkaanay!" M. Biixi Cabdi
" Ogaadeenku dabaasha ma yaqaannaane ballay bay badda moodayaane yaanay liqine ka illaaliya" M. Biixi.
"Ayuub waa sodoh" M. Biixi
" Ciise iyo Samaroon nooma sinna!" M. Biixi
X. GACAN MADAXEED
Gacan gudhnaantu waxa ay ka mid tahay saddexda Soomaalidu sheegtay in
madaxnimadu eeddo. Gacanta irmaani waxa ay sababtaa in dadku hoggaanka
ku soo hirto oo lugu soo ururo, ag jooggiisana la jeclaado, taasi oo
haybadda madaxnimadana bisha.
Hadda ba gacan-gudhnaantu waa mid ka mid ah dhalliilaha ugu muuqa dheer ee M. Biixi.
Weli qof la kulmay oo isaga oo faraxsan ka soo baxay lama sheegin
madaxdii ka horreysayna qofka la kulmaa isaga ayaa wax bixinta askarta
irridda madaxtoonyada ka bilaabi jiray. Hadda garo oo wax isagu gaar u
leeyahay laga martiyi maayo'e qasnaddaa ummadda ee uu dul fadhiyo dadku
xaq bay u leeyihiin wixii Alle u qoray in ay ka qaadaan.
11. BALLAMIHII BAAQDAY EE M. BIIXI
December 24. 2017 oo ahayd maalintii xilka loo dhaarinayay, khudbaddii
madaxweyne Muuse Biixi Cabdi jeediyay iyo ballamo uu ummadda u qaaday
wixii ka qabsoomay, ayaan bartan idin kula wadaagi. Marka hore se
ballanqaadka sidii M. Biixi u dhigay ayaan u soo qaadan doonaa.
Kaddibna, waxa ka qabsoomay ayaan faalladayda raacin. Qodobbada ugu
muhiimsanna waxa ka mid ahaa;
☆ "Doorashadii Madaxtooyada iyo Xanafteedii
Waxaan diyaar u ahay oo tallaabooyin keedii u horreeyeyna aan qaaday oo
haddana aan wadaa in wax allaale iyo wixii xanaf ka dhashay Doorashadii
Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay in aan bogsiiyo oo weliba aan
diyaar u ahay in aniga la igu jiifsado iyo xisbiga KULMIYE lagu jiifsado
oo walaalahayaga waxtirsanaya aannu bogsiino, iyagana waxa laga rabaa
walaalahayaga waxtirsanayaa inay garqaataan, wax baan kaa tirsanayaa
kuuna soo fadhiisan maayo innama kala qabato, dhaqana umaynu lahayn." M.
Biixi
" Xanaftii doorashada wax ka qabashadeeda iyada daaye, dab ayay
xukuumaddu ku sii hurisay oo meelo xilligaa madaxweynuhu khudbaddan
jeedinayay bed qabay ayuu hadda xannuunku ku fiday. Xisbiga Kulmiye oo
uu madaxweynuhu ballanqaaday in uu xataa haddii lagu jiifsado raali ka
noqon doono ayaa adyadda iyo xajiimaynta illaa hadda ku wada saraakiisha
ugu sarsarreysa ee xisbiga qaran ee Waddani. Waxaana ugu dambaysay in
Wasiirro xukuumadda ka mid ahi guddoomiye Cirro ku eedeeyeen in aanu
weligii May. 18. Maalintii Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay
aanu munaasibaddeeda ka soo qayb gelin. Taasi oo aan heer wasiir ku
ekeyne Madaxweyne Biixi laftiisu munaasibaddii May. 18. 2019 uu fagaare
la soo istaagay, isla arrintan oo didinaysay xisbiga Waddani iyo
taageereyaashiisa ba. Soomaali gar waa loo wada Islaam ayay odhan jirtee
hadalkaa ka soo yeedhay Madaxweynaha iyo wasiirradiisa ma waxa ka
muuqata tanaasul iyo in ay ogolaansho in lagu jiifsado mise gardarro hor
leh?! " Cabdinaasir Axmed Abraham.
☆ "Qabyooyinka qarankeena waxa ka mid ah:
1. Shaqo la’aan
2. Saboolnimo
3. Sicir-barar
4. Riiqda abaaraha soo noq-noqday
5. Musuq-maasuq
6. Qabyaalad
7. Aqoonsi la’aan" M. Biixi.
" Xilli muddo xileedkii madaxweynaha laba sanno iyo dheeraad
dhammaadeen Toddobadan qodob ee uu ballanqaadkiisa ku xusay madaxweynuhu
iima muqdo horumar laga sameeyay.
○ Saboolnimada wax ka qabashadeeda xaggeeda ba looma dhaqaaqin ayaan ku dhaafi lahaa iyada.
○ Sixir-bararku meel walba uu taabtay intii xukuumaddani joogtayna
kobocii ugu weynaa ayuu sameeyay. Waxaana dhaqaala-yahannadu u aaneeyaan
go'aannadii cilmiga iyo caqliga aan midna ku dhisnayn ee xukuumaddu ku
soo rogtay shirkadaha lacagta maamulkeeda qaybta ku leh ee shaqada
bandiga haya. Bal haddaan is-weydiinno go'aankii dawladdu shaacisay ee
ahaa in aan wax ka yar $100 la isku diri karin Zaad ama E-dahab ahaan
muxuu shacabka taray ee aan waxyeello ahayn?!
○ Xagga musuqa haddaan qoollaalinno 18 hay'addood ayuu hanti-dhowrku ku
helay musuq-maasuq. Kuwaas oo aan wax tallaabo ah laga qaadin.
○ Adeegsiga qabyaaladdu cirka ayuu isku shareeray qaraabo kiilka
madaxweyne Biixi sameeyay ayaana sii kobciyay aragtidayda madaxa bannaan
sida ay ila tahay. " Cabdinaasir Axmed Abraham.
12. AQOON DARRO MAAMUL
Xirfadda maamulka ee madaxweyne Biixi waxa ka muuqata saboolnimo badan
inkasta oo hoggaaminta layliga ah aalaa ba dheel-dheelligu caado u
yahay, haddana calaaamadda ugu weyn ee farta ku fiiqaysa in madaxweynuhu
ku haftay hawlaha maamul ee dawladnimo waa in uunu maamul daadajin
samayn. Wax kastana in uu isagu qabto illaa heer wasaaraddeed.
13. M. BIIXI AWOOD UMA LAHA IN UU DAREENNADIISA FARXADEED IYO KUWA MURUGO MAAMULO.
In waayahaaga hadba laga akhristo dhafoorkaaga waa sifo xagga
hoggaaminta iin weyn ku ah, dabarka iyo xakamaynta dareennada murugo iyo
kuwa farxaddeedna waa arrin daruuri ka ah dunida siyaasadda. Hadda ba
haddii maamulka dareennadaadu farahaaga ka baxo waxa cadawgaagu uga
faa'iidaysan karaa in uu hadba xaalkaaga dareen ee oogadaada ka muuqda
qorshihiisa uu ku jaangooyo. Ummaddu hoggaankeeda ayay u ekaataaye
wasiiradda xukuumadda M. Biixi waxa ay u badan yihiin kuwa aan iyana
awood u lahayn in ay xakameeyaan dareenkooda. Taasina waxay keentay is
barbar yaac iyo caaddifad badan oo shacabnimo oo madaxda dawladda ugu
sarsaraysa ka muuqata.
Haddaad suxufi tahay iyo haddaad qof caadi ah tahay ba aad bay kuugu
sahlan tahay in aad madaxweynaha Qaranka erey kaga cadhaysiiso weli ba
heer uu gaadho in ummadda oo dhan dareento inta uu cadhooday. Sawirkan
aan soo qaatay in uu madaxweynuhu cadhaysan yahay ma shaki baa kaaga
jira?! gaar ahaanna luuqad jidheedka cadhada iyo farxadda waxa laga
dheehdaa, dibnaha, sujuudda iyo indhaha.
14. WAA MADAXWEYNE XOOLO JECEL OO DHAQASHO BADAN
Aalaa ba madaxda dhaqashada badani dhaxal goor dhow lagu majeerto kama
tagaan sababtuna waa in sida caadiga ah magaca iyo manfaca hoggaamintu
aanay jid keliya wada oollin. Sidaa darteed, madaxda inta ay xilka
hayaan dhaqashada aadka ugu mashquulaa ma haleelaan feker iyo wakhti in
ay geliyaa arrimaha masiiriga ah ummaddu taladooduna sidii ay roodhi
badan u kaydsan lahaayeen si aanay gaajo ugu dhiman meel na uma dhaafto.
Dhul badan, guryo badan, ganacsiyo hor leh iyo saamiyo shirkado hadda
dhidibada loo taagayo intaasi ba waxay iskugu jiraan wax hadda innoo
muuqda iyo wax aan fillayno dhawaan ba.
15. WAA MADAXWEYNE QOYS EE MID QARAN MAAHA
Tan iyo maalintii uu xilka qabtay waxa aan hoos u ogahay inta mashruuc
ee uu qoyskiisa uun siiyay. Haddii wadku innagu simo waxa hubaal ah in
aad arki doontaa, carruur uu M. Biixi dhalay oo ganacsato ah, kuwa uu
abti u yahay oo ganacsato ah iyo kuwo uu la xiddid ah oo baayac-mushtar
waaweyn ah.
16. GO'AANNADIISU MA FULAAN
Maadaama aanay ku salaysnayn runnimo go'aannada siyaasiga ah iyo maamul
ee uu soo saaro midna ma taabbo galo, dhawr arrimood haddaan ka soo
qaato,
● Dhulka in gacanta dawladda la soo galiyo; Muddo sannad iyo badh ah
ayuu madaxweynuhu ka shaqaynayay go'aanno ka soo saaray shirar badan ka
galay, golaha wasiirradu ka doodeen, haddana weli wax halkiisii ka
dhaqaaqay ma jiro.
● Doorashada qabsoonkeeda;
● Dhismaha raasiga Berbera; Go'aan madaxweyne ayuu ku soo baxay wax na kama hirgelin.
● Xaaladdii degdegga ahayd ee gobolka Sanaag; Go'aan lagu degdegay oo madaxweyne ayay iyana ahayd.
17. AQOONTU WAXBA KAMA BEDDESHO M. BIIXI
Xagga tacliinta haddaan ka eegno haddaan idhaa aqoontii ciidan iyo
xallin khilaafeed uu M. Biixi midna innama anficin Somaliland iyo
Soomaaliyana xilligiisii ayay Cirka ku kala adkaadeen oo Soomaaliya ku
guulaystay aqoontiisii ciidan cireed wax ba innama tarin.
Waxbarashadii M. Biixi waxa laga xusi karaa, Sanadihii 1970 illaa
1973, wuxuu tababar sarkaalnimo siiyay Midowgii Soviet. Sida oo kale
1981 ilaa 1982 tababar ku qaatay saldhigga milliteriga Mareykanka ee
gobolka Ohio kaas oo lagu magacaabo "Dayton Air Base" Aqoontiisaa
waayo-aragnimadiisa ciidan Khilaafka ciidan iyo ka shacab xal u
helistooda midna waxba way innaga tari wayday. Ugu dambaynna 2008 illaa
2010 wuxuu ku jiray Kuliyadda xallinta Khilaafaadka ee jaamacadda
Hargeysa.
18. M. BIIXI WAA MADAXWEYNE GODOB BADAN OO HADDANA DAMQASHO BADAN
Kudhawaad soddonkaa sanno ee Somaliland jirtay ee kursiga afarta
madaxweyne ugu horreeyeen mid aanu hagardaamayni ma jirin xataa Siinyo
ku dheh oo waxaasina waa nabsi uu dhitaystay oo haatan la gaadhay
xilligii uu maali lahaa. Sidaas oo ay tahay ayuu M. Biixi cabbanaan
badan leeyahay.
19. MURUQA IYO MASKAXDA INTA BADAN MURUQA AYUU MAALAA WAXA AANU JECEL YAHAY IN AY TIISA NOQOTO
Xoog wax ku xallintu waa xirfad nolosha kaynta ku habboon, hasayeeahee
siyaasaddu waa waxa afka qalaad lagu yidhaa" Art of possibility."
20. YASIDDA, LIIDIDDIDA IYO IXTIRAAM DARRADU M. BIIXI WAA U CAADO
Ixtiraamka oo ah waxa ugu weyn Aadamuhu kala helo haddii uu meesha ka
baxana aanay gabi ahaanna suurto-galayn waxa macaamilaad ahi qofna kuma
qabo M. Biixi xataa kuwa lacagta leh ee isaga taageersan ee dhisaya ku
dar oo. Isku soo wada xoori oo Muuse Biixi barta ugu wanaagsan ee laga
istaagi karaa waa ka soo horjeedkiisa.
MAHAD ALLE IYO MAGAN ALLE
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...


0 





