Xarunta Dhaqan Ee Hargeisa Waxay u Taagantahay Soo Celinta Dhaqankii Wanaagsanaa Iyo Kor u Qaadista Sumcada Somaliland.

0
Wednesday July 17, 2019 - 16:04:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Dhaqan Ee Hargeisa Waxay u Taagantahay Soo Celinta Dhaqankii Wanaagsanaa Iyo Kor u Qaadista Sumcada Somaliland.

    Xarunta dhaqanka ee Hargeisa {Hargeisa Center Cultural},

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta dhaqanka ee Hargeisa {Hargeisa Center Cultural},
waa xarun muhiim u ah somaliland iyo gaar ahaan ummadda ku hadasha Afka Somaliga meelkasta oo ay joogaan, sidoo kalena xarunta dhaqanka ee Hargeisa waxay u taagan tahay kor u qaadista iyo hormuurinta dhaqanka soo jireenka ahaa, taas oo muhiim u ah shacabkeena oo u baahan in la fahansiiyo waxyaabaha ku saabsan dhaqanka wanaagsan.


Ummadd kastaa waxay ku faanta dhaqankeeda, hay’adaha ka shaqeeya arrimaha dhaqan waxaa lagu bixiyaa dhaqaale badan, balse inaga dadkeenu ilaa imika ma fahamsana soo celinta dhaqankeenii wanaagsanaa, sidoo kale waxa jira dad ku fashilmay arrimohoodii gaar ka ahaa, iyo tii guud oo inta badan warar been ah ka faafiya xarunta dhaqanka Hargeisa, kuwaasoo ka xun horuumarka iyoarrimaha wanaagsan ee ay wado xarunta dhaqanku.


Xaruntan dhaqanka waxaa madax ka ah Jaamac Muuse Jaamac  oo ka mid shaqsiyaadka somaliland sumcada ku leh, waa aqoonyahan jecel horuumarka somaliland, markastana waxaa uu u taagan yahay horuumarka somaliland iyo kor u qaadista arrimaha dhaqanka , iyada oo aynu wada ognahay in ay tahay xarunta dhaqanka Hargeisa ta keli ah ee somaliland ka jirta kana shaqaysa arrimaha dhaqanka  ee soo jireen ka ahaa iyo kor u qaadista afkeena hooyo.


Waxaynu aragnaa shaqsiyaad inta badan Faafinaya warar been ah oo leh xarunta dhaqanka Hargeisa, waxaa lagu faafiyaa dhaqamo xun  xun, hadii lagu faafiyo dhaqamo xun  xun, ma ogtahay in xaruntan ay ragii aas-aasay ay ka mid yihiin Abwaanka wayne ee Maxamed Ibraahim Warsame {Hadrawi} iyo abwaanka kale ee wayn Ilaahay baa wayne ee Xasan Ganey, xarunta ragaasii aas-aaseen ma dhaqan xumo ayaa ka iman karta? Jawaabtu waa maya qofkasta oo caqligiisu feyoyahay wuu fahmayaa meesha ragaasi aas-aaseen in wanaag wax aan ahayni aanay ka imanayn, markaa raga dhaliilaya xaruntan waa rag caayaya aqoonta ummadda.

 

Sidoo kale xarunta dhaqanka Hargeisa, waxaa ku jira oo ka mid ah dadka hormoodka u ah sheekha caanka ah kaas oo adduunka oo dhan caanka ka ah waa Sheikh Maxamuud Sheikh Dalmar oo la wada yaqaan oo ka soo baxay Jaamacada Azhar, waxaana uu ka soo shaqeeyey BBC-da, waana sheikh ka jawaaba arrimaha muhiim ka ah ee diinta. sidoo kale waxaa ka mid ah raga hormood ka u ah xaruntan dhaqanka Hargeisa Rashiid Sh, Dalmar oo ah qoraa caan ah, waxaa ka mid ah Muuse Cali Faruur oo ah shaqsi ku xeel dheer arrimaha dhaqan, ragas baa somaliland dhaqankeeda xumaynaya? Waa maya jawaabtu ka wararka beenta ah faafinaya ayaa dhaqan xumo wada.

 

Shaqsiyaadka kale ee xarunta dhaqanka Hargeisa haldoorka u ah waxaa ka mid ah Siciid Gumcudi oo ah aqoon yahan sidoo kale ah qoraa, markaa ma goobta intaa aan sheegay iyo in ka badan oo kale ay hawsheeda  gacanta ku hayaan baa la odhan karaa dhaqan xumo ayaa lagu faafiyaa? Jawaabtu waa maya balse shaqsiyaad diidan wanaaga oo dano shaqsi leh ayaa faafiya wararkaa beenta ah iyo dacaayadaha raqiiska ah ee  ku saabsan xarunta dhaqanka Hargeisa.

 

Goobtani waa goobtii dhaqanka wanaagsan, haruumarinta dhaqankeena, waa  goob kor loogu qaado afka iyo qoraalka oo waynu ognahay in sanadkasta la qabto carwo ama { Book fair}, taasoo ay ka soo qayb galaan dhammaan cidkasta oo lagu tuhmayo aqoon qoraal, mid dhaqan iyo mid hal-abuur, kuwaasoo isaga yimaada dalacada adduunka, waxaana ka soo qaybgala shaqsiyaad caan ka ah adduunka, kuwaasoo somaliland ka gudbiya fariimo fiican oo ku saabsan horuumarka iyo nabada somaliland.

 

Sidoo kale dadka tacabka badan geliyey xaruntan Dhaqanka Hargeisa, waxaa ka mid ah Ayaan Cashuur oo ah Safiirka somaliland dalka Ingiriiska, iyada oo ka mid shaqsiyaad muhiimka u ah xubnaha xaruntan, dad badan oo caan ahna ku soo xidhay somaliland, waxaa kale oo dhaliisha xarunta lagu soo daraa Dr, Micheal Walls oo ahaa shaqsigii hoggaaminayey goob joogayaashii caalamiga ahaa ee ka qayb galay doorshadii madaxtooyada ee somaliland ka dhacday sanadkii 2017, taasoo calaamku ina ku boogaadiyey qaabkii ay u dhacday, iyada oo somalilandna uu warbixin fiican ka bixiyey Dr. Micheal Walls oo dadkaa fashilmay ee aan soo sheegay ay yidhaahdaan xarunta dhaqanka ayuu ku xidhan yahay.

 

Gunaanad

Sida ay shacabka somaliland wada ogyihiin xarunta dhaqanka ee Hargeisa waa astaan u taagan horuumarinta afkeena hooyo, horuumarinta dhaqanka, ilaalinta dhaqanka wanaagsan iyo ka shaqaynta horuumarka somaliland,. Hadaba Xarunta dhaqanka Hargeisa, waxba yeeli mayso dacaayad raqiis ah oo shaqsiyaad dano gaar ah oo ay la haayeen ka waayet xaruntan ay meelahaas ku faafinayaan waxba yeeli mayso.

 

Cabdilaahi Axmed Caarshe,

Hargeisa, somaliland

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...