"Ila wadaag" W/Q; Sharif ka.

0
Wednesday August 28, 2024 - 17:19:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ila wadaag" W/Q; Sharif ka.

    Mahmouto Nour Dahir waxa uu ku soo geli jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mahmouto Nour Dahir waxa uu ku soo geli jiray
May be an image of 1 person


Intii aannay dadku qabatimin degelkan facebook waxay barbaarta Soomaalida badankoodu isticmaali jireen oo xidhiidhkooda kala fog xoojin jiray aallad loo yaqaanay MSN Messenger oo runtii berigaas ahayd bar kulan dadka oo dhan u bogeen markay danahooda ku qabsanayaan, balse waxyaabaha qosolka badan ee maanta mahadhooyinka reebay ee weliba xiisaha gaara xaauustoodu kugu abuurayso waxa weeyi odhaahyadii uu addeegsan jiray shakhsi welba oo isticmaali jiray MSN Messengerka, kuwaas oo ahaa hal hays u gaara ogaalka qofka misana qeexitaanka macnahoodu ka tarjumayay hadba sida uu akhristuhu u qaato ujeedka weedha.

Sidaas darteed waxan jeclaystay in aan halkan ku soo bandhigo hal-ku-dhegyada qaar ka mid ah saaxiibadii qiimaha badnaa ee bar kulankaas aan ku wada xidhiidhi jirnay oo dabcan maanta ku jira diiwaanka xasuusta.
1. Abdirisak Abadir waxa uu ku soo geli jiray "Knowledge is power."
2. Abdifatah J Hashi waxa uu ku soo geli jiray "Maxaa iiga gidhiisha."
3. Drsalah Hassan Muhumad waxa uu ku soo geli jiray "learn from yesterday, live for today, hope for tomorrow."
4. Sayid Ali waxa uu ku soo geli jiray
لا تقنطوا من رحمة الله
5. Zamzam Abdi Garas waxay ku soo geli jirtay "Dhulka waan socdaa waanan dhaafsanahay."
6. #Cabdiraxmaan #Nuur Xuseen Dr. Duso waxa uu ku soo geli jiray
إِنَّ الله مع الصَّابِرِينَ
7. Said Ismail Ahmed waxa uu ku soo geli jiray "Soo haabo hubo oo kac, waxan kuu hayaa hadhuub caashaqe."
8. Abdirashiid Daacad waxa uu ku soo geli jiray "Nin fadhaa ma feedho."
9. Shabeel Nur waxa uu ku soo geli jiray "One step too far."
10. #Hodan #Axmed Barkhad waxa ay ku soo geli jirtay "Look before you leap."
11. Abdirizak Suge Tarar waxa uu ku soo geli jiray "Biyo sare tagay waa la sugayaa."
12. Eng Abdikadir Kadie MAk waxa uu ku soo geli jiray "Nobody cares about your story until you win."
13. Ahmed A. Ismail Jeesto waxa uu ku soo geli jiray "Mugii weel ma dhaafo’e Allow mooska yaan jebinnin."
14. Abdikarim Hussein Atteye waxa uu ku soo geli jiray "Adduun howli kama dhamaato"
15. #Muxiyadiin Faarax Xooje waxa uu ku soo geli jiray "Aayara magaalooy wuu idin gaadhiye"
16. Omar Taajir waxa uu ku soo geli jiray
رحل الصديق عن الدار في صحبة خير الأبرار
17. Abdo Omer Osman waxa uu ku soo geli jiray "War jiraa ba Cakaaruu iman"
18. #Hoodo Maxamed Xasan waxa ay ku soo geli jirtay "I have a dream"
19. #Mawliid Cali Gaboobe waxa uu ku soo geli jiray
"من لا يشكر الناس لا يشكر الله"
20. Mahmouto Nour Dahir waxa uu ku soo geli jiray "Yaa is gaadhay ba."
21. #Sacaada Xasan Hufane waxay ku soo geli jirtay "The pen is mightier than the sword.”
22. Mustafe Cismaan Muse Mashhuur waxa uu ku soo geli jiray
"كما تدين تدان "
23. Hassan Askar waxa uu ku soo geli jiray "Kaadaan u soo cabay."
24. Moe Jama ilburo waxa uu ku soo geli jiray "Nobody wants to be lonely"
25. Dr-Abdirazak Baraco waxa uu ku soo geli jiray
لما اتفرّقت العقول كل واحد عجبه عقله، ولما اتفرّقت الأرزاق ماحدش عجبه رزقه
26. Liban Mohamoud Essa waxa uu ku soo geli jiray "Ha wareegto giraantu"
27. Wasiir Omar Abdilahi waxa uu ku soo geli jiray "Don't bite the hand that feeds you."
28. Jeeke Cisman Labasuul waxa uu ku soo geli jiray "Dhagax qudha ku dil labo shimbirood"
29. Yusufcoast Ahmed waxa uu ku soo geli jiray "Hadal waayeel waa guudmar."
30. Mahamed Aburaas waxa uu ku soo geli jiray "Cross the stream where it is the swallowest."
31. Qaalib Mohamed Qaalib waxa uu ku soo geli jiray "Shanta dhaban layaabkiyo shoocadayska ila dhaaf."
32. Marwaan Olhaye waxa uu ku soo geli jiray "Dhigtaan kuu fadhiyaa."
33. Muxyadiin Qaasim waxa uu ku soo geli jiray "Ha ka tagin karaamada waa taan kor iyo hoos kaftan kuugu sheegay."
Haddaba ugu dambayntii akhriste nala wadaag hal-ku-dhega aad berigaas ku soo geli jirtay MSN Messengerka waa haddii ba aad isticmaali jirtay.
Mahadsanid.
Fiiro Gaara:- Dhab ahaantii aniguna hal hayska aan ku soo geli jiray waa mid aan u dhaafay ikhyaarta xasuustoodu weli shaqeynayso balse waxan hada ka cudur daaranayaa saaxiibbada kale ee aan xasuusan kari waayey hal-ku-dhigyadoodii qiimaha badnaa.
Waa qoraal aan bartan hore ugu baahiyey sannadkii 2015.
Sharif Ka
London.



 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...