Masar Oo Xad-gudub Ku Tilmaantay Talaabo Ka Dhan Ah Somaliya Oo Itoobiya Samaysay.
Hargaysa (HWN) Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Somalia Axmed Macallin Fiqi ayaa dowladda Masar uga mahadceliyey mowqifka cad ee ay ka taagantahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax banaanida Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo
qaahira ka dhacay ayuu wasiirka arrimaha
dibadda Masar Badri Abdelatty ku sheegay in Masar ay gardarro u aragto
heshiiski ay wada gaadheen Ethiopia iyo Somaliland.
"Waxa aan u adkaynaynaa
dhowridda Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxa ay Masar si
dhammaystiran ugu gacan-seydhay tallaabo waliba oo ujeedkeedu yahay mid
dhaawacaysa midnimada Soomaaliya iyo bedqabka dhulkeeda, waxa aan sidoo kale
markale ku celinaynaa inaan si buuxda u diidannahay is-afgaradka la saxeexay,
waxaanan adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax bannaanida
Soomaaliya” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Masar.
Heshiiska is-fahan ee
wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya ee ku saabsan badda ayaynu labada wadan
weli si rasmiya usaxeexin.