Madaxwayne Deni Oo Wakiilada Beesha Caalamka kula Shiray Nairobi.(Sawiro)

0
Tuesday August 20, 2024 - 16:42:50 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Deni Oo Wakiilada Beesha Caalamka kula Shiray Nairobi.(Sawiro)

    Puntland Ayaa la wadaagtay Beesha Caalamka , horumarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland Ayaa la wadaagtay Beesha Caalamka , horumarka

May be an image of 13 people and suit


Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka  Puntland iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha oo maanta ku qabsoomay Nairobi.

Wakiillada beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha ka qeybgalay Shirka ayaa kala ah : UN, Midowga Europe, Canada, Germany , UK, Sweden , Netherlands, Finland, Denmark, Norway , Switzerland, France , USAID, World Bank iyo African Development Bank.

 Puntland Ayaa la wadaagtay Beesha Caalamka , horumarka ka socda Puntland gaar ahaan Amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada , dimuqraadiyadda iyo fursadsiinta dhallinyarada iyo Haweenka.
Sidoo kale Dowladda Puntland waxay beesha caalamka kala hadashay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Puntland iyo deeq-bixiyeyaasha iyo in la hubiyo in deeqaha Beesha Caalamku ay si siman u gaaraan dadka loogu talagalay.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhinacooda Puntland ugu hambalyeeyay hirgelinta hanaanka dimquraadiyadda Puntland soona dhoweeyay xoojinta wada shaqeynta.
Madaxweynaha waxaa kulanka kala qeybgalay xuhno ka mid ah Golaha Xukuumadda , La-taliyeyaal Madaxweyne iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

May be an image of 7 people and table
May be an image of 1 person and dais
May be an image of 10 people and text
May be an image of 6 people and text
May be an image of 12 people and dais
May be an image of 4 people
May be an image of 8 people and dais

Loading...
Loading...