Safiirka UK Ufadhiya Muqdisho Oo Ujawaabay Wasiir Fiqi.
Hargaysa (HWN) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa cambaareeyay hadal uu bartiisa X kusoo daabacay safiirka UK ee Soomaaliya, kaasoo uu Soomaaliya iyo Somaliland uga dhigayay labo waddan.
Safiirka UK ee Somaliya
Mike Nithavrianakis oo ka jawaabayay hadalka wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliya,
ayaa xaqiijiyay mowqifka UK ee ku aaddan madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya,
isagoo carrabka ku adkeeyay in mowqifka UK uu weli yahay mid si adag u
taageeraya Soomaaliya oo mid ah.
Mike waxa uu sheegay
farrriintiisii hore inay ahayd mid ku saabsanayd shaqada hay’adda TheHALOTrust
oo ay UK taageerto.
Wasiirka ayaa sheegay
hadalka safiirka UK kasoo baxay inuu yahay mid aan sinaba loo aqbali karin,
isla markaana weerar qaawan ku ah Qaranimada iyo Midnimada Soomaaliya.
Hadalka wasiirka ayaa
ka dambeeyay kaddib markii safiirku uu adeegsaday kalmadda Soomaaliya iyo
Somaliland xilli uu dhawaan kulan la qaadanayay madaxda hay’adda TheHALOTrust.