Muxuu Yahay Warka Somaliya Dhaleecaysay Ee UK, Shaacisay?
"Wax aan sinaba loo aqbali karin, oo ka dhigan weerar badheedh ah…"
Hargaysa (HWN) Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Fiqi ayaa dhaleeceeyay war qoraal ah oo ka soo baxay safiirka UK ufadhiya Somaliya.
Wasiir fiqi ayaa ku
tilmaamay warka qoraalka ah ee ka soo baxay Safiirka UK, waxaan la aqbali Karin.
"Wax aan sinaba loo aqbali karin, oo ka dhigan weerar badheedh ah oo lagu hayo
qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.” Ayuu yidhi wasiir fiqi.
Hadalka wasiir Fiqi
ayaa yimid kaddib markii uu safiirku si gooni ah u xusay madaxa hay’adda
arrimaha bani’aadanimada ka shaqeysa inay si siman uga shaqeeyaan Somaliya iyo
Somaliland.
Loading...
Loading...