Heshiiska Masar Iyo Soomaaliya Waa Mid Soo dedejin Kara Aqoonsiga Somaliland
Heshiiska Qaahira ku dhexmaray Somaliya iyo Masar waa talaabo kale oo Xasan Sheekh iyo Dawladdiisa Xamar qaadeen, taasi oo soo dhaweynaysa in Ethiopia ay ku dhawaaqo aqoonsiga Somaliland.
Darwiishkii Ismaaciil Mire waxa lagaa hayey, "Ka shib dhaha Islaamoow, waa naf kii lahaa gadayeā€¯
Waxa la yidhi wiil reer Banaadir ahaa oo Norway ku noolaa baa maagay inuu gabadh Norwegian ah guursado, dabadeed aabihiis oo Degmada Karaan ee Xamar degan buu soo wacay, markaasuu u sheegay qorshihiisii.
Abiihii wuxu ku yidhi, "igaarkayoow, cidii deriskeena ahaan jirtay ma xasuusataa." Wiilkii wuxu ku jawaabay, "Haa, duqii odey Cali ee deriskeena ahaa waan xasuustaa."
Odeygii baa ku yidhi, "xay reerku qabeen?" Wiilkii wuxu sheegay inay dibi weyn cidii deriskooda aheyd ay laahaayeen. Markaasuu odeydii weydiiyey "dibiga cidi deriska ahi, xuu suubin jiray?" Wiilkii wuxu yidhi "cidaha magaalka ayaa sacyaashooda u keensan jiray, isna wuu ugu boodi jiray, dabadeena lacag yar baa la siin jiray"
Odeygii hadana wuxu weydiiyey, weligaa ma maqashay iyadoo lagu leeyahay odey Cali, dibigiinii sacan buu idiin dhalay ee hooya?" Wiilkii wuxu yidhi, "maya."
Odeydii intuu cabaar aamusay buu ku yidhi, "igaarkayoow, dibigii odey Cali hadaad Norway la noqonayso, yeelkaa waaye"
Imika waa halkiiye, haday Xasan Sheekh iyo Xamar webiga Niilka u ilaalinayaan Masar, kaasi oo ay biyihiisa Masar uun faa'ido ay ku qabto, iyaga yeelkood waaye!
Abdirahman Mohamed Ibrahim
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!