"Burcooy Ilaashada Qarannimadiina" Wasiir Maxamed Kaahin

0
Thursday August 15, 2024 - 10:01:06 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Burcooy Ilaashada Qarannimadiina" Wasiir Maxamed Kaahin

    Kaahin waxa uu sheegay in soo dhaweynta ay madaxweynaha...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaahin waxa uu sheegay in soo dhaweynta ay madaxweynaha...



Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa bulshada magaalada Burco ku booriyay inay ilaashadaan taariikhda halganka ku suntan ee ay leedahay.


 

Kaahin waxa uu sheegay in soo dhaweynta ay madaxweynaha u sameeyeen reer burco ay tahay calaamadihii lagu yaqaanay ee taariikhda, waddaniyada iyo nabadgelyada lahayd, waxana uu yidhi "Dadweynaha reer Burco ee sida Qarannimada leh u soo dhaweeyay madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hoggaaminayay aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinaya Waa calaamadihii, taariikhdii, waddaniyadii, lagu yaqaanay magaalada, waxaana inoo suuragaliyay soodheynta aad noo sameyseen nabadgelyada iyo nidaamka dowladnimada, wixii aynu hore uga socona waa horumarin, xisbiga KULMIYE ololihiisa, fikirkiisa, siyaasadiisa, waxqabadkiisa, waxa intuba ay ku salaysan yihiin bulshada reer Somaliland inay nabadgelyo, wada jir iyo horumar ku noolaadaan, xilliga doorashooyinkana nabadgelyo ayaynu ku galeynaa, Burco Taariikh halgameed oo la ilaashadey leedehee ilaashada Qaranimadeena”



 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ciidanka qaranka ee gobolka Togdheer uga mahadceliyeya kaalinta ay ka qaateen nabadgelyada Madaxweynaha iyo kala hortista shacabka "Ciidamada Qaranka ee gobolka aad iyo aad ayaanu uga mahadcelinayna kaalintii ay ka qaateen soo dhaweyntii madaxweynaha iyo kala horka bulshada” ayuu yidhi.

 

 

Loading...
Loading...