Qalad Fahanka Gmc,Iyo Muuse Biixi
Qiimaha baaburkani maaha mid qaali ah marka loo eego ...
1. GMC maaha gaadhi gaar ah oo magacan wata balse waa shirkad la yidhaa General Motors Corporation oo soo saarta gadiidka kala duwan gaar ahaanna gadiidka ujeedooyinka Caadiga ah iyo kuwa gaarka ahba loo adeegsado. kuwaso uu ka mid ayahay baabuurta loo yaqaan ACADIA oo ah bahda uu ka tirsan yahay midkan muuse biixi hadda wato.
2. ACADIA waa nooc ka mid ah baabuurta shaqo qabadka badan (Multifunctional) kuwaaso loo adeegsado ujeedooyin badan iyadoo ku xidhan nooca baabuurka samayskiisu yahay, laakin noocan madaxweynaha Somaliland wataa waa nooca loo yaqaan SUV (Sport Utility Vehicle) oo ah gadiid loo nashqadeeyay inay si isku mid ah ugu safri karaan dhulka qarfada ah iyo jidadka casriga ah labadaba. waxaanu kasii yahay nooc aan ku sheegi doono qodobka 3aad ee qoraalkan, Waana gaadhi aad ugu haboon ku orodka dhulka rafka ah.
3 Baabuurkan oo marka loo abtiriyo ah baabuurta ay soo saarto shirkadda GMC oo magaceedu ka yimi "General Motors Corporation" Waxaanu ka sii yahay bahda loo yaqaano SUV oo ka timi Sports Utility Vehicle, waxaanu kasii yahay bahda Yukon XL Denali oo ah baabuur ku haboon ammaanka madaxda iyo socodka dhulka rafka ah. Samauntiisana waxa iska kaashaday shirkadda GMC Iyo Shirkadd wadata magaca INKAS oo aanay aad u kala fogayn. sidoo kalena waa xabbadi ma kartay (Bullet proof).
4. Qiimaha baaburkani maaha mid qaali ah marka loo eego baabuurta ammaanka madaxda loo adeegsado sida Audi A8 security oo qiimihiisu gaadho $700,000. Iyo Mercedes Benz s Class oo lagu gatto ilaa $1.5 million dollar iyo weliba Range Rover Sentinel oo la kala siisto $10 million dollar, gadiidkan kuwa ugu badan ee iibsadaa waa madaxda African ka. Balse kan muuse biixi kasoo muuqday qiimihiisu waxa uu ka bilaama $60 kun ilaa $100 Kun taaso ka dhigan inaanu qaali ahayn.
Ugu danbayntii maaha wax cusub in madaxdu gadiid casri oo amaankooda ku haboon fuulaan, sidoo kale madaxa du hadii ay gadiid cusub la yimaadaan macneheedu maaha inay xoolihii ummadda ka iibsadeen balse in hadiyad laysku siiyana ogaada. Wakhtigan hadda la joogana ilaalinta madaxdu waa muhiimadda koobaad ee tahay in la qabto wakhtiga safarada la galaayo ha ahaato safar gaaban iyo mid dheerba ee.
F.G: ma ihi taageere xisbiga kulmiye iyo siyaasadiisa toona balse waxaan jeclay in la kala saaro ka
la aragti duwanaanta siyaasadeed iyo ku dhaqanka saxnaanta xogta guud intii aad dhaliil ama amaanba ka dhigi lahayd wax ka duwan sidaad u aragto.
Isbedelka khayrba insha allah.
W/Q: Cabdirashiid Warcaddeeye
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...