Maxaa kasoo bixi kara wada hadalada turkiga ka socda?
3.Deegaanka axmaarada dagaalo adag Ayaa ka socda.
Saaka waxaa dib ufurmaya wada xaajood Kii shalay Anqara ka bilaamay, Waxaa kasoo bixi doona is afgarad Iyo heshiiis labada dal dhex Mara oo ay Kow ka tahay MOU gii xaaraanta ahaa oo qashinka lagu daro.
Maxaan Sidaa udhahay?
1•Dawlada Ethiopia Waxay geerka usaarantahay in markale dagaal dhexmaro TPLF Iyo dawlada federaalka, xaalad aad u cakiran Ayaa taagan.
Maalin uun ka hor Abiye Ayaa ciidanka qaran booqday oo ku dhahay "diyaar u ahaada in aad nafta uhurtaan dalkiina”.
2.dawlada Ethiopia waxaa kale oo ay wajahaysaa xaalad colaadeed oo Dhanka Eritria ah .
3.Deegaanka axmaarada dagaalo adag Ayaa ka socda.
4.shirwaynihii xisbiga PP Ayaa dhawaan furmaya Abiye na Wuxuu rabaa in uu xukuumad cusub soo dhiso
doorashada dalka ee labada sano ka hadhsan tahayna isu sii diyaarsho .
5.Ethiopia oo dhaqaale Ahaan u guurtay nidaam caalami ah oo suuqu go’aaminayo sarifka lacagta Adag.
Waa arin kale oo Abiye ku khasbaysa in uu ka fogaado colaad cusub oo dhaqaalaha dalka dumisa.
Shantan qodob waxay Abiye Ahmed ku khasbayaan in uu qaato wax walbo oo ay Somalia u ogolaato.
Sidaa awgeed Anqara Waxaa kasoo bixi doona wax SNM ka nixiya .
Inshaa Allah.
Waxaanu ku raja waynahay in aan aragno Ethiopia Iyo Somalia oo iskaashanaya .
Cabdisalaam sheekh xasan
Midnimo Web TV
Loading...
Loading...