Congress-ka Maraykanka Oo Meel Mariyay Mooshin Ka Dhan Ah Trump
Donald Trump iyo hadalkii cunsuriyadda lagu tilmaamay ee uu ku yiri afar
hablood oo ka tirsan Aqalkan.
Mooshinka ayaa lagu dhaleeceeyay "Haddalada cunsuriyadda ah ee lagu sharciyaynayo cabsi galinta iyo nacaybka dadka cusub ee Ameerikaanka ah iyo dadka midabka ah"
Madaxweyne Trump oo fariin soo dhigay dhegelkiisa Twitter-ka ayaa yiri "jirkayga kuma jirto laf cunsurinimo".
240 xildhibaan ayaa ku codeysay codka
'HAA' halka 187 xildhibaaan ay ku codeysay 'MAYA', taas oo ka dhigan in 4
xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump iyo waliba xildhibaanka
kaliya ee madaxa banaan Justin Amash ay codkooda ku biiriyeen dimoqoraadiyiinta.
Waxaa xildhibaanadan ka mid ah ninka kaliya ee madoowga ah ee xisbiga Jamhuurigaka tirsan Will Hurd.
Madaxweynaha oo maalintii axaddii soo
daayay tiro fariimo ah oo dhanka Twitter-ka ah ayaa afarta hablood ee kala ah
Alexandria Ocasio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib u
sheegay in ay isaga laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay dowladda
Maraykanka u sheegi lahaayeen sida ay tahay in wax loo sameeyo.
Dhibka jira waxa uu yahay in 3 ka mid
ah hablahaas, marka laga reebo Ilhaan oo Soomaaliya ka timid yaraanteedii, ay
ku wada dhasheen Maraykanka. Xitaa Alexandria ayaa ku dhalatay degmo New York
ku taala oo 12 mile oo kaliya u jirta halkii uu Trump laftiisa ku dhashay.
Waxyaabaha warbaahinta Maraykanka soo
bandhigtay waxaa ka mid ah awooweyaashii Trump ay ahaayeen muhaajiriin kasoo
jeeda dalka Jarmalka, halka xaaskiisa Malenia Trump ay jinsiyadda Maraykanka
qaadatay mar aan fogeyn, waxaana xitaa la sheegay in Ilhaan ay jinsiyadda ka
hor qaadatay Malenia.
Kalsooni Kala Noqosho
Islamarkii la meelmariyay qaraarka,
xildhibaanka xisbiga dimoqoraadiga Al Green ayaa diiwaangaliyay mooshin codka
kalsoonida loogu qaadayo Donald Trump. Madaxda xisbiga ayaase diidan in ay
horey usii wadaan arrinka xil ka xayuubinta Trump xilli xubno badan oo xisbiga
ah ay arrintaas ku baaqayaan.
Xildhibaanka mooshinka keenay oo kasoo
gala gobolka Texas ayaa Trump ku eedeeyay in xafiiska ugu sareeya Maraykanka uu
usoo jiiday sharaf darro , kana dhigay meel lagu maadeysto.
Trump ayaa ka hadlay qaraarka la ansixiyay, isaga oo ammaanay midnimada xisbiga Jamhuuriga, isaga oo markale weeraray hablaha afarta ah oo uu ku eedeeyay in ay wax xun ka sheegeen Maraykanka, iyo Israa'iil.
Qaraarka la meel mariyay ayaa qoraya in
dhammaan dadka Maraykanka, marka laga reebo dadkii loogu yimid meesha iyo kuwii
Madoowga ah ee addoonsiga loo keenay in ay yihiin muhaajiriin ama firkii dad
muhaajiriin ahaa.
Waxa kale oo mooshinka lagu xusay in waddanimada aysan ahayn isirka qof, ee balse ay tahay hadba sida uu qofka ku difaaco dastuurka oo ku dhisan sinnaan, xoriyad, ka wada mid ahaansho iyo waliba dimoqoraadiyad
BBC


0 





