Muxuu U Taaganyahay Xisbiga Waddani, Somaliland National Party" ?
Maxamed Carab Wacays .
Gudoomiyaha Qaarada Europe Ee Xisbiga Waddani.
Waddani Wuxuu U Taaganyahay Sugida Amniga Qaranka
Waxa Uu U Taaganyahay Hagidda, Hanka Iyo Hiigsiga Muwaadiniinta Somaliland Gaar Ahaan Dhallinyarada.
Waxa Uu U Taagan Yahay Hirgalinta, Himilooyinka Bulshada Somaliland Higsanayso
Waddani Waxa Uu U Taaganyahay Ka Rumaynta Riyada Muwaadinka Somaliland Ee Ah Inay Ka Helaan Ictiraaf Bulshada Caalamka
Waxa Uu U Taagan Yahay Gaadhsiinta Somaliland Horumar Dhaqaale.
Waxa Uu U Taaganyahay Ixtiraamka Dastuurka Iyo Ku Dhaqanka Shuruucda( Law & Order)
Waxa Uu U TaaganyahayTaabo Gelinta Talo Wadaag, Wada Noolansho, Dulqaad Iyo Sinaanta Muwaadiniinta .
Mabaadiida Xisbiga Waddani
Siyaasadda
Xisbiga Waddani Waxa Uu Horseed Ka Yahay Siyaasad Xariir Ah Kana Muuqdo Bisayl Hogaaminadeed
Xisbiga Waddani Waxa Uu Ka Soo Horjeedaa, Siyaasad Guryo-Noqosho Ah.
Xisbiga Waddani Waxa Uu U Taaganyahay Siyaasad Ku Salaysan Wadajir, Isku-Duubni Iyo Danta Guud Oo Loo Midoobo Si Loo Hormariyo Wadankeena Somaliland
Siyaasadda XisbigaWaddani Waxa U Sal Ah, Wada-Shaqayn Dhexmarta Dhammaan Inta Ku Foogan Siyaasadda Somaliland, Oo Laga Gudbo Siyaasadda Ku Dhisan Muran Iyo Khilaaf.
Xisbiga Waddani Wuxuu Ka Shaqaynayaa Sidii Dhallinyarada Somaliland, Dumarka Iyo Dadka Laga Tirada Badan Yahay Talada Wadanka Uga Qayb Gali Lahaayeen, Waxaanu Taageeraynaa In Hoos Loo Dhigo Dada Ay Ku Gelayaan Dhallinyaradu Golayaasha Qaranka
Xisbiga Waddani Iyo Baahiyaha Somaliland
Xisbiga Waddani Waxa Uu Aaminsanyahay In Somaliland Baahiyaheeda Ugu Weyniyihiin:
Aqoonsi Caalamiya Oo Ay Kaga Mid Noqoto Bulshada Caalamka Si Ay U Hesho Xuquuqdeeda Ummadnimo Una Gudato Waajibaadkeeda Dawladnimo.
Midnimo Dhexdeenna Ah Iyo Gacmaha Oo La Is Qabsado Si Aynu U Noqonno Qaran Wadajira Oo Dan Isku Mid Ah Leh Kana Gudubno Isu-Fiirsiga Hoose .
Si Somaliland U Hesho Aqoonsi Caalamiya, Waxay U Baahantahay Aqoon Iyo Waayo-Aragnimo Diblumaasiyadeed, Iyo Xidhiidho Caalamiya. Xisbiga Waddani Iyo Hogaankiisu Waxa Uu Haystaa Khibraddaas, Aqoontaas, Waayo-Aragnimadaas Iyo Xidhiidhkaas.
Sidoo Kale, Si Aynu U Gaadhno Midnimo Dhexdeenna Iyo Isku-Duubni, Waxa Loo Baahan Yahay Hogaan Leh Sifooyinka Midnimno, Dhexdhexaadnimo Isla Markaana Aan Wadan Xajiin Siyaasadeed, Taasna Waxa U Taagan Xisbiga Waddani
Xisbiga Waddani Waxa Uu Tixgalinayaa
Xoriyada ,Karaamada Iyo Qofnimada Wadaniga Reer Somaliland.
Madaxbanaanida Saxaafada Xorta Ah.
Dhamaan Xuquuqda Wadaniga Reer Somaliland Iyo Cidii La Noolba.
Balanqaadka XisbigaWaddani.
Wuxuu Waddani Ummadda Reer Somaliland U Balanqaadayaa Hogaamin Toosan.
Siyaasad Mudakara Iyo Xuquuq Siman.”
By
Maxamed Carab Wacays.
Xoghayaha Qaaradda Yurub Ee Xisbiga Waddani
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!