Libaax 30 Cishoo Xadhig Adag Ah Ku Xukumay Dacawo Dameer La Murantay ( Abdi-Shotaly).
* N.B Waanno Dhalan Baa Ka Adag!
Waxa Muwaadin had iyo jeer ama inta baban dhibaato ka dhex timaadaa laba noole ( sidda Xayawaanka, Bani'aadamka, Dhirta, Cayayaanka iyo wixii la mid ah), kuwaas oo aan isku caqli ahayn ee aad u kala fog, kala aragti duwan, isku aqoona ahayn, kala damaacisan,kala maskax wanaagsan, xataa marjay doodayaan aan is marin, ee mid-ba tiisa ku adkaysto ( waa sidda somalidu tahaye). Arintani waxay dhalisaa mushkilado aan xad Lahayn iyo Xala aan laga gaadhi karsyn, waxay-na abuurtaa khasaare aan laga soo waaqsan, oo nolashoodda si kaste-ba iyo dhinac walba ka saameeya, lagana yaabo aakhirka in ay sahayato naf-toodda mararka qaar-kood, marka loo maaro waayo ee laga quusto in la isku af-garto, laguna kala tago. Halkaas oo ay ku burburaan wixii ka dhexeeyey ee ay ahayd in ay wadda hilaasha-daan. Sidaas oo ay tahay, hadaan tusaale kaa siiyo siyaabaha wax u dhacaan, bal ila akhri qisadan hoos ku taal waatane:-
Maalin maalmaha ka mid ah baa waxa wadda dooday Dameer iyo Dacawo, waxana ay isku qabteen midabka geedaha, sheeko dheer ka dib Dawacadii baa tidhi: Geedaha midab-koodu waa Doog (akhdar). Dameerkii baa isna yidhi: -
Maya ee Geedaha midab-koodu waa Huruud. Markii mid-ba kiisii ku dhegey, ee ay is-qancin kari waayeen, ayey go'aansa-deen in ay Libaaxii isula tagaan,si uu runta ugu kala sheegoo una kala xukumo. Xaajaddii ay isku hayeen,
Ayey u kala sheeg-teen Libaaxii oo mid-ba daceadiisii buu u marsaday siduu u rabay. Libaaxii markii dhegaystay wixii ay ku kala hadleen, wuxuu Xaakimkii ( Waa libaaxa'e), uu ku xukumay Dacawaddii in la xidho 30 casho oo xadhig adag ah iyo 3 cisho aan wax la siin. Intaas markii ay dhacday, baa Dawacadii ku tidhi Libaaxii:- Waad og-tahay in midabka geeduhu ay ay doog ana cagaar yihiin,oo aan anigu saxsanahay ee maxaad ii xidhay Waxa uu ugu jawaabay:-Yaa kugu yidhi Dameer doqon ah la muran.
Akhristaw Dacawaddii inta hoos qosol digix uga siisay, bay libaaxii ku tidhi hadaan fahmay waxad ii xidhay, waa runtaa oo anaa khakadka leh, waayo waxan la dooday wax ma garato aanan isku maskax ahayn. Waayo waayo wax aan fahmayn kuma qancin kartid, ikayn aqoon-tiisu halkaa ma gaadhee.
Waxan muwaadin aan u soo qaatay sheekadan sare ku taal, oo ay si toos ah u khusaysaa ilayn hadal lama saarnaadee, arimaha ka dhex aloosan askarta " Maamulja Xaafad-Tooyadda" Iyo Madaxadda Is-Bahaysigu, horaa maah-maahi u ahayd " Waano dhalan baa ka adage" kuwa idin hor tibani sinaba uguma qalmaan kuwo aad wadda murmi kartaan. Ugu damvayn waxan Is-Bahaysiga uga digayaa in aanay la doodon ama la qasan dar aanay isku si wax u arakayn, ee ay xoog iyo xoog uga aqoon iyo waayo'aragsan tihiin, waayo qaar sisaayad meela u soo maray maaha, sidaas awgeed yuu wakhti idin-kaga lumin Askarta bello doonka ah ee "Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-Shaaximan, Bakhti-Dhego-Weyn, Jano-Ka-Bood, XaLiye ( xinif) ito Koorasane, Gafane-fuurey ( Buuni) iyo qaar kaloo kuwaas sii daba feenta sidda Ibraahim Duufle. IS-Bahaysigaw hawshiina wata ilayn noocan isku maskax iyo garasho ma tihidine, la mana qancin karaayo,
Wax-ba ma qaataan.
Lamana sixi karaayo, waxana u sii dheer cuqadad aan dawo lahayn.
* N.B Waanno Dhalan Baa Ka Adag!
* Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...