Caaqil Boorama Loogu Xidhay Maxaad Utaageertay Xisbiga Waddani.

0
Saturday August 10, 2024 - 00:40:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caaqil Boorama Loogu Xidhay Maxaad Utaageertay Xisbiga Waddani.

    "Masuuliyiinta xisbiga Waddani ayaa cambaareeyey xadhiga caaqilka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Masuuliyiinta xisbiga Waddani ayaa cambaareeyey xadhiga caaqilka"

 

 

Boorama (HWN) Waxa hada saldhiga magaalada Boorama lagu xidhay Caaqil Faarax Qalinle Obsiiye oo ka mida Caaqusha Beesha Wasiirka Ganacsiga Somaliland Saajin.

 

Xadhiga caaqilkan ayaa yimid kadib markii caaqilkan iyo beeshiisu ay shaaciyeen inay ka tirsan yihiin xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

 

Masuuliyiinta xisbiga Waddani ayaa cambaareeyey xadhiga caaqilka sida uu bogiisa Facebook ku qoray xoghaye  Khaalid  Bullo, xadhiga caaqilka salka ku haya arrimo siyaasadeed.

 

Maaha markii koowaad ee Xukuumada Muuse Biixi dad ugu xidho gobolka Awdal taageerada xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.


Loading...
Loading...