Maxay ka wada hadleen Wasiir Fiqi & xoghayaha guud ee ururka OIC ?

0
Friday August 09, 2024 - 10:47:13 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka wada hadleen Wasiir Fiqi & xoghayaha guud ee ururka OIC ?

    Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga dowladaha Islaamka danjire

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga dowladaha Islaamka danjire




Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Jiddah ee dalka boqortooyada Sucuudiga kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee ururka dowladaha Islaamka Xuseen Ibraahim Daaha.



 

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay la shaqeynta ururada caalamiga ah oo OIC ka mid tahay, si sare loogu qaado doorka Soomaaliya ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.


 

Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga dowladaha Islaamka danjire Daaha ayaa bogaadiyey dadaalada dib u kabashada ah ee ay qaaday dowladda Soomaaliya, sida la dagaalanka xagjirka, horumarinta hay’adaha dowliga ah iyo arrimaha bulshada.


 

Wasiir Fiqi ayaa Magaalada Jeddah uga qaybgalay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda dalalka OIC, kaas oo looga hadlay qadyadda reer Falastiin.

Loading...
Loading...