Nin Daar Ku Jiraa Daruur Ma Arko ( Abdi-Shotaly)!

0
Tuesday March 12, 2019 - 10:30:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Daar Ku Jiraa Daruur Ma Arko ( Abdi-Shotaly)!

    Somalida iyo bahalka la yidhahao dhurwaaga ( ama waraabaha qofba sidda uu u yaqaano), baa jilbaha is daray, markii uu gar qaadan waayo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalida iyo bahalka la yidhahao dhurwaaga ( ama waraabaha qofba sidda uu u yaqaano), baa jilbaha is daray, markii uu gar qaadan waayo,
 ee xoolihii ka dhameeyey, baa wuxu yidhi, anigu ma cuno xoolahiina, ee markaan arko baadi meel maraysa, baan is idhaahaa u soo qabo ciddii lahayd, dabeed gacmo ma lihiye afkaan ku qabtaa, iyaka baa iska kay dhufta, markaas baa halkii aan hayey ii soo godaa, meel kale baan qabtaa oo aan is idhaahaa ku dheg, halkiina way ii soo ruqdaa, ee anigu marna isma odhan wax dil, sidaas baa ay ku dhintaan xoolahii. sidaas markuu ku gar akhristay, baa laguyidhi "Waraabaw inaad saamo jiidiyo sanqadh tirasho kala daaye", inta aad neef geela kaga cabaadiso hadana aan raad gato, kaa socon mayso, ee runta sheeg, waayo haday sidaasi kaarun tahay maad cararteen, ee waad sugi lahayd dadkii lahaa, ogawse waxa aad is leedahay ded, waa cadaan, oo xaalkaagu cidna kama dahsoona, waxan usoo qaatay, ee ay tahay, u jeedka maqaalkan hoos ka akhri.Waxa la yidhi " Kor waayel waa wado indho", Waxan uga socdaa, dagaalka ku socdda beelo gaar ah, waa waxa labadda askari ee cuqda-daysani ay kursiga-ba ugu hamoodeen, aar goosi awgood, iyaka oo aan wax loo diran jirin halgankii SNM, taas oo micna-heedu yahay, in ayisku dhuftaan beelaha, ka dib-na ay ku baabado wixii la odhan jirey Somaliland.



Indho laga baqaa ilaahay bay ku yaalaane, Waxa la qorshaynayaa maan-tana dagaal sokeeye, siddii kii la odhan jirey " Marya-alool" ee ay isla labadan askari ay taayiradda u ahaayeen, wixii ka raacayna la wadda ogaa. akhristaw, waxa maanta si wacan loogu soo guntaday, loo soo tafa-xaytay, oo doorasha-daba loo boobay, hantiddii ummadda loo xaraashay, waa maskax-xumaantii abidka ahayd ee " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan", oo uu isagu sidda ilmo uu dhalay amar siiyo, ma odhan karo waxaasi waa khalad, cuqdad reerna way u wehelisaa, oo way bukaan socdka liita, taas baana heshiis lagu yahay, iyadda oo xoog la is biday iyo ciidan baanu haysanaa, kolba hadalka uu runta ka sheego Sacad Cali Shire, baa habeenkii la yidhaahaa dafir, oo si kale u sheeg, lamana eryi karo , oo sirihii dekedda, tii dahabka Cerigaabo ee reer ahaan loo guranaayo, Saldhiga Imaaraadka, $80 doolar ee lagu iibsaday Komishan ku sheega, booliiska, Maxakamado ku sheega, kaadhadhkii doorashadda iyo shaqaalaha maaumlka ( Waxay ku sheegaan Civil service-ka), dhamaan sirihii ku duugnaa baa uu hayaa, oo uu kashifayaa sidaas awgeed, baa kolba meel madaxa loo sii geliyaa. Askarta meesha macashu ku weynaatay ( waa labadda sare ku qorane), waxa ka khladan wax weyn, oo way xisaab xumays-teen ( they are miscalculated). Waxa la yidhi " nin daar ku jiraa, daruur ma arkee", weli cirka baynay sare u deyin, runtana isuma ay sheegin, sababtuna waxa weeye, dibiradda oo ay is leeyihiin waad ku waari doon-taan. waxase hor yaal oo lama huraan ah, lagana sugayaa in ay ridaan dagaal sokeeye, weliba si dhakhso ah ha u dhaco. bil cidda cirka roob ku og.

Geelaw soco-soco oo markaad ciin daaqdo baa laguu yaabaaye, kuwani hadda waa xumbo engegtay, ma jiraan maryo alool dambe:

(1) Ummadu waa jeegaan oo meel ah,

(2) Inta kale oo meel ka soo wadda jeedda, kuwaas oo ah kuligood diidan mamaulka askarta, ee 100% ka xun kii Af-weyne, kun jeerna bara dhaafiyey, iyaka oo ku maalaaya, dhaxal aan laga dhimanaw macaanidaa, waxase uu yidhi abwaan qaasim (IHUN) " nin kstoo salaan dheer u baxay soo deg baa xigiye", weliba iyadda oo aan laga abaashanayn. afarta askri ee la isku halay-nayaa, markay qaraxdo, nin-ba halkii uu ka soo jeeday, buu qoriga ula dhaqaaqayaa ( Ilayn markii hore-ba isga ba iska lahaaye).Dayaxii Kulmiye wuu dhacay, dibna u soo noqon maayaan, ummadu way tashatay, cid khasbi kartaana am jirto, nin khamaarka ciyaari jirey, baa intii ku hadhaba mar buu wadda saaray, isaga oo naxasan, oo is leh talaw maad heli haadkaas mise waad waayi, baa mid sugayey ku yidhi, waar maxaa ku aamusiiyey, ee aad noola hadli wayday? dabeed wuxu ugu jawaabay," Wadda Hadal-ba Haadkaas baa ka hadhay, ujeediyo haatan, waxa u hadhay wakhti kooban, inta ka horey-sana waa la iska celin, waana hubaal in aanu dib u soo noqonayn, kursina helayn, Colaaduna halkaas bay ku dhamaan, taariikh-duna way hadhaysaa, nin waliba wuxuu beertay buu heli doonaa madha-xeedda.

N.B Maxay Leeftaa Maba Lulatee!

Qore:- Abdi-Shotaly

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...