"Dadka Kolba Xisbi u Ordaa Waa Dhuuni-raac" Siyaasi Axmed Xaashi Oday.

0
Thursday August 08, 2024 - 07:43:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dadka Kolba Xisbi u Ordaa Waa Dhuuni-raac" Siyaasi Axmed Xaashi Oday.

    Siyaasi Axmed Xaashi Oday waxa uu sidaasi ka sheegay ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Axmed Xaashi Oday waxa uu sidaasi ka sheegay ..



Siyaasi Axmed Xaashi Oday oo ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ayaa sheegay in dadka kolba xisbi u cararayaa ay yihiin dad dhuuni raac ah oo aan lahayn qiyam, waxaanu tilmaamay in xisbiga KULMIYE aanu ahayn xisbi dadka ka tirsani ay hadba xisbi kale tagaan.


 

Siyaasi Axmed Xaashi Oday waxa uu sheegay in taageerayaasha iyo dadka xisbiga KULMIYE ka tirsani aanay la nooc ahayn dadka dhuuni raaca ah ee aan qiyamka iyo mabaadida la hayn ee hadba u carara xisbi kale iyo meesha ay marba dhadhamadu ku jirto.



 

Siyaasi Axmed Xaashi Oday waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad xisbiga KULMIYE u qabtay beel-waynta Yaasif Isaaq oo si rasmi ah ugu biirtay xisbigaas, waxaanu yidhi "Maanta waxaa halkan iiga muuqata farxad aad u wayn, farxadaasi oo ahayd mid la filayay awalna soo jirayn ahayd, reerka halkan fadhiyaa awal ba xisbiga KULMIYE ayay ahaayeen, Anigaygaa idinla hadlayaa waxaan ahaa qofkii shanaad ee liiska xisbiga KULMIYE ku qorna ayaan ahay, illaa xiligaas iyo ilaa hadda hogaanka iyo madaxda xisbiga KULMIYE ayaan ka tirsanahay.’


 

Axmed Xaashi Oday waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE aanu ahayn xisbi ay dadkiisu si yar uga tagaan, isla markaana aanu ahayn xisbi ay dadkiisu hadba meel galaan, waxaanu yidhi "Xisbiga KULMIYE maaha xisbi si yar looga tago, mana aha xisbi dadka ku jiraa ay maalin ba meel galaan, kuwii aad maalmahan maqlayseen ee lahaa meel baanu galnay waxaad arki doontaan iyaga oo KULMIYE ku soo noqday marka ay doorashadu soo dhawaato, dadka qaar baa iska dhuuni raac ah oo maalin ba halka xaflad iyo wax ka jiraan iska taga oo aan mabda kale lahayn oo qiyamkoodu yahay halkaad maanta ka qayishaan, xisbiga KULMIYE-na dadkaa shuqul kuma laha mana yaqaano ee dadkiisa wuu yaqaanaa.”

Loading...
Loading...