Dameertu Geela Ha Iga didisee Weliba WayIi Sii Qururuf Leedahay ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday August 07, 2024 - 16:37:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dameertu Geela Ha Iga didisee Weliba WayIi Sii Qururuf Leedahay ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Far Baad Eedee, Yaanay Kula Fidin Hadaba Ka Fiirsadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Far Baad Eedee, Yaanay Kula Fidin Hadaba Ka Fiirsadda.


Ummad yahay waxa aynu maalmahan ka maqlayno " 2da Askari iyo inta sii daba fadhidda ee Jin-Dagaagay iyo Digsi-xagato" Waa wax afka ka weyn oo aan macquul ahayn,waxa ay is leeyihiin Ummadda Reer S/Land ku beer-laxaw-sadda ama ku sabsabta, miyey tahay wax ina maraaya? Inaka oo si wacan u og runtu waxay tahay, miyaa been la soo malmaluuqay aynu ka dhegaysnaa? Waxa ay wadaan waxay ka dhigan tahay iyaba waayaabe, Gaalkii la odhan jirey " ABu JAHAL" Ee diintii islaamka wuxuu ku samayn jirey la 0gaa iyo siduu ula dagaalamay Rasuul-keenii Maxamed ( CSW), haduu maanta ina odhan lahaa annaa diintii fidinaayey, ee Nebi Maxmed ( Csw) wuu ka soo hor-jeeday, maxaad is odhan lahayd? Muwaadin sidaasi miyeynu qaadan karnaa? Waa maya. Sheekdu askartu waxa weeye, kuwii SNM iyo S/Land ay iyaka gacan-toodda burburtay baa cid kale farta ku fiiqaaya iyo Is-bahaysiga, weli wax ka maskax xun ma aragteen? Waase kuwii aynu naqaanay oo aqoon-toodu waxay tahay aynu garanayno.



 

Kolka hadaba aynu eegno waxay ku andacoo-nayaan, akhristaw askartu, saw xaq uma lihin in aynu nidhaano " Dameertu geela ha iga didisee weliba way ii sii qururuf leedahay" Waxa hadaba sheeka-doodu tahay ama cayn--kaas ka dhigan 3da Askari ee kala ah " Raggii ma adigaa ka hadhay, Geenyo-Shaaximan iyo Cabdillahi Dhegoole ":-

(1) Iyaka oo ah kuwii maamulka SNM ee Gudoomiye Siilaanyo jid-gooyadda u sameeyey, ee dilka la beegsaday.


(2) Markii la soo galay dalka, iyadda oo aan 6 bilood jirin S/Land, dagaalkii Marya-lool waa kuwii taayir walba ka ban-jriyey, ee beenta dalka mar kale collaad ku geliyey.


(3) Si fiican ban ⁹uga dhereg-sanahay wixii ay ku faleen dhamaan Cabdiraxman( IHN), Cigaal (IHN), Riyaale iyo Axmed Siilaanyo oo isaga ay xanuun-kaba iyaku ku rideen haya, weliba iyaka oo isku Xusbi ah.


 

Soo dhaaf intaas oo dhan, ee Iyaga oo aynu og-nahay sidda ay curyaamiyeen dhaqaalihii, una boobeen maamulka askartu hor boodaysaa ay bilyan-neero maanta yihiin, dhulkii danta-guud ay xaraash-teen, tii dan-yartana xoog iyo awood sheegasho lagaga fara-maroojiyey, xasuuqeen dad mudaaharaad salmi ah dhigaayey, rag xiniin-yaha laga saaray, xadhigu tiro beelay, cabudhin iyo car juuq dheh xaal-koodu yahay, Gobolo dhan xasuuq badheed ah lagula kacay, oo bara-kac ay ku maqan yihiin kumanaani, ciidankii qaranka jabka ku dhacay ay sabab-tooddd tahay, haweenkii jeelka ka buuxaan, xildhi-baanaddii, siyaasiintii iyo madax-dhaqmeedkii rasaas lala dhacay, sidda Ugaaskii samaroon, Muniir, Barkhad, cukuuse iyo qaar kaloo badan. Waxn ku soo xidhay inaka oo la socona sidda ay ummaddii isu nacsiiyeen, isugu direen, dhaqaale burburka iyo gaajadda, macaluusha, maceeshadda la goyn kari la'yahy, sicir-barar, af-duubka sir-doonka leexsan,sharciggii dalka oo ay askartu jeebka ku sitaan, cadaalad la'aan, eex iyo sinaantii oo la aasay, qabyaalad loogu kala abtiriyey beelihii, oo mid-ba-mid lagu jeediyey. Hadaba iyaka oo ay waxaas oo dhami jiraan, iyakuna ay aabbe u yihiin, bay misana doonayaan in ay ka raad gataan, saw duul waalan maaha, miyey dadka ka maskax wacan yihiin? Adigu isu jawaab muwaadin.


* N.B Far Baad Eedee, Yaanay Kula Fidin Hadaba Ka Fiirsadda.

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...