Wasiir Axmed Shide Oo Amiirka Kuwait Gaadhsiiyey Warqad Uu Ka Siday Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Fariinta Ay Xambaarsanayd
Addis Ababa(HWN):-Wasiirka maaliyada dalka Itoobiya Axmed Shide ayaa amiirka dalka Kuwait Sheekh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah gaadhsiiyey fariin uu ka siday raysal wasaaraha xukuumada Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.
Sida ay sheegtay wakaalada wararka dalka Kuwait, wasiir Axmed Shide oo gaadhay wadankaasi ayaa amirka gaadhsiyey warqad uu ka siday raysal wasaarihiisa, taas oo ka hadlaysay xidhiidh laba geesood ah oo dhexmara labada dal iyo habka lagu horumarin karo.

Sidoo kale warqada ka socotay raysal wasaaraha Itoobiya ee wasiirka maaliyadu gaadhsiiyey boqorka dalka Kuwait ayaa lagu xusay martiqaad uu raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed u fidiyey amiirka wadankaasi si uu socdaal ugu yimaado dalka Itoobiya.


0 





