Maxaa u sabab ah dhaqaale xumida ka jirta suuqyada iyo magaalooyinka Soomaaliya

0
Wednesday August 07, 2024 - 07:49:47 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa u sabab ah dhaqaale xumida ka jirta suuqyada iyo magaalooyinka Soomaaliya

    Dadkii wax iga sarrifan jiray hadda sidii hore ma aha way yaraadeen ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkii wax iga sarrifan jiray hadda sidii hore ma aha way yaraadeen ...


Waxaa sanooyiinkii u dambeeyay laga deyrinaya xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya gaar ahaan awoodda wax iibsiga ee shacabka.

 

Waxaa aad hoos ugu dhacay awoodda ay dadka u leeyihiin wax iibsiga iyada oo uu yaraaaday dakhliga dadka oo sida la sheegay hoos u dhacay.


 

Adan Bakar Cali oo ka mid ah ganacsatada sarrifka lacagaha qalaad ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqii suuqa uu si aad ah u yaraaday.

 

Waxaa uu xusay in maalinkii ilaa 30 qof oo sarrif doonaysa uu wax u sarifi jiray, balse hadda tiradaasi ay kala bar hoos u dhacday.



 

"Dadkii wax iga sarrifan jiray hadda sidii hore ma aha way yaraadeen halkii 30 qof ay wax iga sarrifan jireen 10 ama 15 qof ayaa ka soo hartay," ayuu yiri Bakar.

 

Bakar ayaa sidoo kale sheegay in suuqa bakaaraha oo inta badan mashquul ahaan jiray xilligan aadan arkayn dad badan oo wax iibsanaya.


 

"Bakaaraha oo kale hadda markaad dhexmartid ciriiri iyo jaam ayuu ahaan jiray, hadda sidii hore oo kale ma aha, dhaqdhaqaaqu wuu iska yar yahay," ayuu intaa ku daray.

 

Maxaa sabab u ah hoos u dhaca dhakhliga iyo dhaqaaalaha

Dhaqaalayahanada ayaa arrintan u aaneyay dhinacyo badan oo xilligan Soomaaliya ka jira.


 

Dr Shaafici shariif Maxamed oo ah cilmi-baare dhanka dhaqaalaha ayaa sheegaya in ay jireen dhowr sababood oo hoos u dhigay awooddii wax iibsiga iyo kala socodka dhaqaalaha.


 

Waxaa ka mid ah waxyaabaha uu xsuay in gobolada qaar oo ay dagaalo ka socdeen mudooyiinkii u dambeeyay, isla markaana badeecooyinka laga qaadi jiray Muqdisho ee tagi jiray gobolada ay hoos u dhaceen.


 

"Midda kowaad dhowrkii sano ee ugu dambeeyay dalka dagaalo ayaa ka jiray, gobollada ayaana inta badan laga quudiyaa caasimadda oo ganacsiga inta badan Xamar ayuu ka baxaa, marka waxaa yaraaday dadkii gobolada wax geyn jiray, gobolada wixii laga soo qaadi jiray-na way yaraadeen," ayuu yiri Dr Shaafici.


 

Waxaa kale oo uu farta ku fiiqay in uu muddooyiinkii u dambeeyay ay hoos u dhaceen dadkii maalgashan jiray Soomaaliya iyo dadkii qurbaha ka imaan jiray, taasi oo iyana hoos u dhigtay dakhli badan oo ay dalka soo galin jireen.


 

"Waxaa kale oo qeyb ka aha in maadaama ay colaado iyo dagaalo socdeen, ayna jirtay cabsi ah in labada dhinac ay kala awood badin karaan marka ganacsatada maalgalin ma sameynayn, midda kale dadkii qurbaha ka imaan jiray imaanshiyahooda wuu yaraaday,"ayuu intaa ku daray.


 

Dr Cabdi Casiis Axmed Ibraahim oo ah dhaqaalayahan ku sugan Muqdisho ayaa dhankiisa qaba in shaqa la'aanta oo ahayd markii horaba mid aad u badan ay sanooyinkii u dambeeyay ay ka sii dartay.


 

Waxaa uu xusay in sanad kasta ay jaamacadaha ka soo qalin jabiyaan kumannaan dhalinyaro ah, islamarkaana sanooyinkii u dambeeyay dowladda oo shaqaale qaadan jirtay aysan wax shaqaalo ah qoran.


 

"Gudaha waxaa si xoog leh uga jira shaqa la'aan, fursadaha ay dadka ka shaqeysanayaan aad ayay u yar tahay, sanad kasta waxaa soo qalinjabiya kumanaan dhalinyaro ah, suuqa shaqada ayay ku soo biiraan, looma heli karo meelo ay ka shaqeystaan,"ayuu yir.


 

Dr Cabdi Casiis ayaa farta ku fiiqay in dowladda soomaaliya oo shaqaale badan qaadan jirtay aysan sanooyinkan shaqaalo badan qaadan, taasi oo dhakliga soo gali kara shaqsiyaadka aad hoos ugu dhigtay.


 

"Tusaale markaan u soo qaadano oo magaalada Muqdisho oo ah isha ugu badan ee shaqaalaha qaadan jiray muddo dhowr sanadood ah shaqaale ma aysan qaadan marka taasi waxay keeneysaa in shaqa la'aanta ay badato," ayuu yiri Dr Cabdi Casiis.


 

Dr Cabdi Casiis Axmed Ibraahim ayaa dhanka kale sheegay in dhowr arrimood oo is biirsaday ay hoos u dhigtay dhakhliga dadka.


 

"Dhakhliga hoos ayuu u dhacay, shaqa la'aantu wa korodhay, sicirbararkii kor ayuu u kacay, intaas marka waxay keenayaan magaalada iyo kala socodkeeda iyo maciishada inay hoos u dhacdo," ayuu yiri.

 

Deyn cafinta iyo saameynta dhaqalaha Soomaaliya


Arrinta deyn cafinta ayay dhaqaalayahanada qaar sheegeen in ay saameyn ku yeelatay dhaqaalaha iyo dakhliga dalka.


 

Beesha caalamka ayaa Soomaaliya ku bixisa boqolaal milyan oo doolar oo isugu jira kab miisaaniyadeed iyo gargaarka bini'aadanimada.


 

Dr Shaafici shariif Maxamed ayaa qaba in hay'daha dhaqaalaha ee caalamiga ah iyo dalal badan oo kale ay Soomaaliya siin jireen dhaqaale badan, balse taasi imika ay aad hoos ugu dhacday sababo la xiriira deyn cafinta.


 

"Waxaa hadda aad loo daneynayaa in Soomaaliya ay deyn qaadato, waxaa lagu leeyahay waxaa idin furan khiyaar ah in deyn la idin siiyo waagii hore waddadaas uma furneyn, marka beesha caalamkana waxay goosatay lacagihii la siin jiray," ayuu yiri Dr Shaafici.


 

Dr Cabdi Casiis Axmed Ibraahin oo ah dhaqaalayahan ku sugan Muqdisho ayaa dhankiisa qaba in arrintan ay saameynta ugu badan ku yeelatay dadka dhakhligoodu hooseeyo ee ku nool maalinkaa wixii soo gala.


 

"Waxaa ay aad u taabaneysaa dabaqada hoose ee ku nool maalinkii waxa ay soo shaqeysteen marka dadka quuta maalinkii wixii ay soo helaan dadkaas ayay si toos ah u taabanaysaa, " ayuu yri Dr Cabdi casiis.


 

Dr Shaafici shariif Maxamed ayaa dhankiisa mar kale carabka ku dhuftay lacagta Doolarka oo soomaaliya laga isticmaalo oo uu sheegay in mar kasta oo caalamka dhaqaalaha uu hoos u dhaco si dhaqso ah Soomaliya si aad ah looga dareemo.


 

"Annaga wax walba oo doolarka ku dhaca way nagu dhacayaan taasna saameyn ayay nagu leedahay," ayuu yiri Dr shaafici.

Loading...
Loading...