Tababaraha Xulka Senegal Oo Soo Bandhigay Qiso Dareen Leh Hogaamiyeyaasha Afrikana Fariin U Diray
Tababaraha xulka kubada cagta dalka Senegal Alliou Cisse ayaa ka hadlay arin dareen leh oo ku saabsan kubada cagta qaarada Afrika.
Tababare Cisse ayaahogaamiyeyaasha Afrika ugu baaqay inay fursad siiyaan tababarayaasha u dhashay wadamada qaarada isla markaana ay u dhiibaan xulalka, isaga oo xusay in laga doorbido qaar cadaan ah oo lacag badan ka qaata.

Tababare Cisse oo haatan xulka Senegal keenay ciyaarta kama dambaysta ah tartanka qaramada qaarada Afrika ayaa mar uu la hadlayey warbaahinta waxa uu ka sheekeeyey qisada la xidhiidho qaabkii uu tababaraha ugu noqday xulka dalkiisa.
Tababaraha xulka kubada cagta dalka Senegal oo ka hadlaya qaabkii loogu dhiibay maamulida xulka dalkiisa ayaa waxa uu yidhi " Hogaamiyeyaasha kubada cagta Senegal waxay doonayaan dad cadaan ah oo lacag badan waydiiya balse waxaan u yeedhay xidigii xulka Senegal ee Al Hadji Diouf iyo ciyaartooyo hore waxaanan u sheegay inay dawlada soo waydiiyaan in aniga lay magacaabo balse waxay ahayd mid adag sababta oo ah wasiirka ciyaaruhu waxa uu doonayey tababaraha kale ee Alain Giresse oo u dhashay dalka Faransiiskakaas oo waydiinayey lacag malaayiin ah.”
Tababare Cisse oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "ka dib todobaadyo lagula jiray dood waxay ku soo dhamaatay inaan heshiis lala gaadhin tababarihii faransiiska ahaa, wasiirka ayaana igu martiqaaday xafiiska waxaanan waydiistay inu fursada ii ogolaado aniga oo aan ka doonayn lacag malaayiin ah balse doonaya in lay ogolaado inaan dalkayga u adeego, maantana waxaan garaacay in ka badan 9 tababare oo u dhashay wadamada yurub si aan xulka dalkayga u soo gaadhsiiyo ciyaarta aanu hada joogno ee kama dambaysta u ah koobka Afrika.”
Hadalada dareenka leh ee tababaraha xulka Senegal ka soo yeedhay ayuu intaas sii raaciyey " Alle ayaana ii ogolaaday inaan garaaco tababarihii tababarihii lala doonayey xulka Senegal ee lacagta badan raadinayey, sidaas darteed waxaan hogaamiyeyaasha Afrika waydiinayaa sababta ay walaalahood u siin waayeen fursada halka ay wakhtiga ku bixinayaan raadinta dadka cadaanka ah.”


0 





