Deg deg Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo u jawaabaya M.Deni oo maanta difaacay 'xidhiidh' lala yeesho Itoobiya.
Khilaaf siyaasadeed oo gudaha dalkeenna ka jira in uu madax ...
Waa nasiibdarro weyn in maanta masuuliyiin Ummadda Soomaaliyeed xilal u haya, damacna kaga jiro in ay xilka qaranka ugu sareeya innoo qabtaan ay maanta marinhabaabiyaan qaddiyadda siddeeda bilood soo jirtay ee innoo dhaxaysa Itoobiya, iskuna dayaan in ay u rogaan mawduuc siyaasadeed oo khuseeya siyaasiyiin gaar ah.
Khilaaf siyaasadeed oo gudaha dalkeenna ka jira in uu madax ka indhasaabo halis jiritaanka qaranka iyo midnimadiisa ku soo fool leh waa ceeb wayn.
Waxan ugu baaqayaa cidda waddaas qaldan qaaday in ay u soo noqoto jidka saxda ah, oo cagliga ka shaqaysiiyaan, damiirkoodana ka run sheegaan si ayna ugu adeegin cadow dhul iyo dad hore innooga haystay, haddana ka badan innaga raba.
Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf
Loading...
Loading...