Jano Ka bood, Xinif Iyo Geenyo-Shaaximan Oo Askariggii Cidla Dhigay ( Abdi-Shotaly).

0
Monday August 05, 2024 - 13:52:19 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jano Ka bood, Xinif Iyo Geenyo-Shaaximan Oo Askariggii Cidla Dhigay ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Miyaa Ciil Loo Dhintaa, Maxaase Canaad Taraa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Miyaa Ciil Loo Dhintaa, Maxaase Canaad Taraa!

Horaa loo yidhi " Ninka soo joog laga waayo, soo jiif baa laga helaaye" Askari " Raggii ma adigaa ka hadhay" oo imika uun ogaaday in ay ka huleeleen dadkii garbaha hayey Qudhmiye, ee u ahaa udub dhexaadka uu ku taagan yahay (Waa wakhtiggii Madax-Siilaanyo'e). Sidda ay qeexayso maah-maahda sare, hadaa tallo faro ka haaday, geed uu qabsado la'yahay, oo gafuurkii uu sare u taagi jirey meeshuu qabtay la raadinayaa. Waxa ka dhaqaajiyey beelihii Qudhmiye ku xeernaa, ee ahaa kabuhuu ku socdo, guud ahaana ka koobnaa Awal, H.jeclo iyo Arab, baa mar qudha cidhibta ku dhuftay, oo af buuxa ku yudhi Amaano Alle askari is baranaye.


Rabbi haw naxariisto'e Macalin/abwaan Gaariye, wuxu af-somali ku sarifay murti Carebeed, Murti-daas oo odhanaysa " Al-mukh bi-duuni khibrah, maa lahaa faa'iidah" oo micnaheedu yahay " Maskax aan waayo'aragnimo lahayni, wax faa'iido ah ma laha" Rabbi raali ha ka ahaadee wuxuu ka dhigay af-somali " Hadaan gu'gga kuu kordhaa, gabaw mooyee ku tarin, garaad iyo waayo'arag, ilayn wax ma dhaantid geed" Allay-lehe maanta baynu haynaa, oo geedku waabu noolyee uu askariggii uu dundumo noqday bankii giriyaad ka taagan. Waa-taas cid waliba ay ka dhaqaaqday, ee uu cidla ku xidhiidh furmay, ee laantii uu cuskadaaba ay u jabayso. Hees qaraami ah baa wax ereya-deedda ka mid ah " Miyaa ciil loo dhintaa, maxaase canaad taraa" waa ta haysata maamulka xukunal-qarqooshka ah ee Xaafad-Tooyadda ka dhisane.
No description available.

Askariggii wuxu waydiiyey " Xaliye (waa Xinife), Jano-ka-bood ( Samaale) Iyo Geenyo-Shaaximan" Waad arakay-saan Is-Bahaysigu Cududda uu muujiyey, ee maxaad ii haysaan? Waxay ugu jawaabeen " Na war sug anagaa Jab la maagane maalmaha ugu dambeeya'e, askariggii wuxu ku yidhi hadana" runi-run bay timi oo xaalku soo dhaaf kaadhadh aynu urursano iyo lacag aynu dan-yarta kaga iibsano, ee wax kale ma ii sheegaysaan.Maalini-ba-maalinta kale igaga sii darane, Axaddii bishan August ay ahayd 4ta ( waa shalaye), baalalkii uu qudhmiye ku duulaayey, waa Arab, H.Jecllo iyo Awale iyo dhogortii jidh-kiisa asturi jirtey-ba, inta si wacan looga rifay, baa xabaal ka yar u qodeen, markii ay " Is-Bahaysiga Waddani Iyo Kaah si-wadda jir ah ay " Kafan u xidheen Qudhmiye" Oo ay mayd-kiisii inta xabaasha dul dhigeen, bilaa faataxo kaga dareereen. Imika waxa u hadhay " Digsi-xagato " oo iyana uu la xisaab-tamayo dhawaan, ee aynu wax yar sugno.

* N.B Miyaa Ciil Loo Dhintaa, Maxaase Canaad Taraa!

Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...