Sadka Saatirka Bixiya,Siinaaya Kuu Doono,Seexdiyo Mid Soo Jeeda,Seegimaayo Calafkiisu.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Socodkaagan Tiro Beelay,Soomaali Wada Gaadhay,
Salka Meelna Dhagi Waayay,Soofdaran Habawgaga,
Sababteeda Maad Garane,Saaxiib Aan Kuu Sheego,
Saatirkeena Talo Saaro.Samahood U Toog Haysid,
Samir La’an Saluugaagan,Soo Cararka Sii Caratkan,
Suuq Xumidan Seegseego,Surmoseegto Kuu Yeele,
Sii Biligta Soo Biligtan,Haddba Dhinac U Siigayntan,
Subaxdii La Soo Tooso,Socdaal Weeye Ina Samatar.
Ismail A.Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!