Xildhibaan Qodax Oo Kulmiye U Qoor Gooyey.

0
Saturday August 03, 2024 - 10:23:30 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Qodax Oo Kulmiye U Qoor Gooyey.

    Ugu danbayn waxa aan dhamaan dhalinyarada deegaankayga...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu danbayn waxa aan dhamaan dhalinyarada deegaankayga...

Kulankii u danbeeyay ee Xildhinaan Qodax iyo Kulmiye dhexmaray, waxa Kulmiye Qodax u sheegay hadii uu Kulmiye ku soo biiro in aanu waxba u tarayn. Waxaanay ka codsadeen oo Kulmiye iyo dilaaliin ganacsato ah oo Kulmiye la socday ay Qodax ka dalbadeen in uu Ucid ku noqdo. Si codka deegaanka loo lumiyo.


Waxaanay u balan qaadeen in isaga iyo Faysal na ay dhexdhexaadin doonaan.

Markaa maalmo dhaw hadaad aragtaan Qodax oo Ucid ku noqday, islamarkaana leh Faysal iyo Ucid u codeeya ha yaabin.

Sidoo kale hadaad aragtaan faysal oo qodax is hor wada oo qodax amaanaaya ha yaabin. Waa talo rag soo gaadheen iyaguna ay madiidin u yihiine.

Idamka alle na dhawaan dhamaan waxii dilaaliin ah ee 30 kaa sano kaliya u taagnaa in ay ina dilaalaan waynu ka takhalusi doonaa. Si adagna waa aynu ula xisaabtami doonaa ee cagaha dhulka ha lagu hayo.

Ugu danbayn waxa aan dhamaan dhalinyarada deegaankayga ee door walba codkooda Ucid lagu shubo ugu baaqayaa 30 sano dawladnimada dibada ka joogi mayno oo xisbi mucaarad ah oo aan meelna u socon daba joogi mayno ee qof kastaa kaadhkiisa ha xaslado.Islamarkaana umadda reer Somaliland ee aynu dawladnimada wada leenahay si aynu wax ula qaybsano qofkastaa maalinta codayntana Ucid iyo Kulmiyaha uu maraga u yahayna ha ka codeeyo. Hana u codeeyo xisbiga rajada shacabka ee Xisbiga Waddani ee umadii Somaliland dal iyo dibad ba ku midawday.

Tusan iyo isbadal khayr qaba.

By Garyaqaan jamaal hussein mandeela
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...