Islaamka Iyo Xiriirka Dadka Ka Diinta Duwan Muslimiinta.
Sidiisaba islaamku waa Diin Raxmad,waa Diin Nabad,waa Diin Cafis,waa Diin Xoriyad,waa Diin Caddaalad,waa diin Nolol,waa Diin soo dhoweyn badan oo Basharka ka ilaalisa waxa u daran,waa diin ixtiraam badan oo xitaa xaq dhowrta oo xiriirinaysa dadka ka diinta duwan hadaysan iyagu markaa dagaal ku haynin.
Dhab ahaantii Diinta islaamku waa iyada midda doonaysa inay u kala kala dabqaaddo dadka iyada rumeysan iyo dadka caqiido ahaan ka duwan Muslimiinta oo diintu inooma ay diidin u sama falka kuwa aan diinteena darteed inoola dagaalsanayn.
Ilaahay sarreeye wuxuu yiri mar uu arintaa inagala hadlayay:-
"(لا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ أَنْ تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ ) ".
"Ilaahay idiinma diidin Gaalada kuwa aan idiinla diriraynin diintiina darteed oo aan idinka saareynin guryihiina inaad wanaag iyo samo fal kula dhaqantaan oo aad u Cadaalad samaysaan waayo Ilaahay waa uu jecel yahay kuwa Cadaaladda sameynaya”.
Sida taariikhda iyo siirada ku cad Rasuulka scw waxaa marar badan la degenaa oo uu wanaag kula macaamilayay dad ka diin duwan oo ay ugu horeeyeen adeerkiis Abuu Daalib iyo inta badan qabiilkii reer bBanuu Haashim ee uu Rasuulka scw ka dhashay. Taariikhduna waxa ay marag ka tahay in Rasuulka scw waqti lala go,doomiyay reerkii uu ka dhashay oo ay Qureysh ku soo rogtay cuna qabateyn maadaama ay suubanaha soo dhiibi waayeen. Sidoo kale Rasuulka scw iyo asxaabtiisa markii ay Madiina yimaadeen waxay ugu yimaadeen qabiilooyin Yahuud ah oo ka diin duwan oo ay kula noolaayeen Wanaag iyo Nabad iyo iskaashi intii aysan qabiilooyinkaas iyaga iska diidin wanaagii oo aysan ballantii ka bixin.
Rasuulka scw adeerkii Abuu Daalib waxa uu la noolaa oo uu waliba jeclaa isaga oo ka diin duwan sida Ilaahayba inoogu caddeeyay Quraanka kariimka ah.
"إِنَّكَ لَا تَهْدِي مَنْ أَحْبَبْتَ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ يَهْدِي مَن يَشَاءُ ۚ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ "
"Adiga ma hanuunin kartid qofka aad jeceshahay laakin Ilaahay uun baa hanuuniya qofkii uu doono isaga uun baana garanaya cidda hanuunsameysa”.
Sida Mufasiriinta badankoodu isku waafaqeena Aayaddan waxa ay ku soo dagtay Abuu Daalib oo Rasuulku scw aad u jeclaa inuu soo hanuunana uu mar kasta ugu dadaali jiray.
Ilaahayna sida muuqata marna Rasuulka scw kuma canaanan oo uma diidin jacaylkii uu u qabay adeerkii Abuu Daalib halka uu kala hadlay arimaha hanuunkiisa iyo u dambi dhaaf dalabkiisa oo uu Alle ka diiday Rasuulka scw”.
Sidoo kale waxaa sugan in Rasuulka scw uu xiriir fiican la lahaa ninkii Mudcim Binu Cadiyi ee kafiilka ka noqday kolkii uu ka soo laabtay Daa,if ee ay Qureysh u diiday inuu dib u soo galo Maka ka dib geeridii adeerkii aAbuu Daalib oo u ahaa Rasuulka scw gaashaan adag oo loo soo mari waayay intii uu noolaa.
Mudcim ma rumeynin Nabiga scw wuxuuna muddo sugayay amniga suubanaha isaga oo ka diin duwan,kolkii dambe ee ay Qureysh culeyska ku saartay Mudcim inuu Rasuulka scw ka joojiyo hadalka iyo dacwadii uu dadka u sheegayay Rasuulka scw wuxuu u celiyay amaan galintii uu siiyay wuxuuna diiday shardigii uu ula yimid ee ahaa inuusan dadka waxba u sheegi karin.
Sidaasoo ay tahay Rasuulka scw wuu u took hayay Mudcim wuxuuna u hayay ixtiraam xitaa kolkii uu Madiina yimid Rasuulka scw ee uu dhacay dagaalkii badar ee Qureysh laga soo qafaashay maxaabiis fara badan Rasuulka scw wuxuu yiri haddii uu maanta noolaan lahaa Mudcim binu Cadyi oo uu kuwaan maxaabiista ah igala hadli lahaa dhamaantood waan u sii deyn lahaa. Sida laga wada warqabana Mudcim binu Cadyi gaalnimo ayuu ku dhintay isagoo Maka jooga.
"فلما أسَرَ المسلمون في غزوة بدر سبعين من المشركين، قال ـ صلى الله عليه وسلم ـ: ( لو كان المطعم بن عدي حيا ثم كلمني (طلب الشفاعة) في هؤلاء النتنى لتركتهم له ) رواه البخاري، في رواية أبي داود: ( لأطلقتهم له" .
Akhristow fariinta Dad wadnimada diinta Islaamka ee doonaysa yaraynta is necbaanshaha dadka waxaa si dagan looga dheehan karaa duruusta ay ku fasaxayso dugaashiga dadka is xiga ee diimaha samaawiga ahi kulmiyaan.
Rabbi wuxuu ka duway dadka kale oo wuxuu Muslimiinta u baneeyay in ay cuni karaan cuntadooda oo misna haweenkooda guursadaan karaan.
الْيَوْمَ أُحِلَّ لَكُمُ الطَّيِّبَاتُ ۖ وَطَعَامُ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حِلٌّ لَّكُمْ وَطَعَامُكُمْ حِلٌّ لَّهُمْ ۖ وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ الْمُؤْمِنَاتِ وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِن قَبْلِكُمْ إِذَا آتَيْتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ مُحْصِنِينَ غَيْرَ مُسَافِحِينَ وَلَا مُتَّخِذِي أَخْدَانٍ.
"Maanta waxaa laydiin xalaaleeyay waxyaabaha wanwanaagsan,sidoo kalana cuntada Ahlul-kitaabkaa waa idiin xalaal,iyagana cuntadiina waa u xalaal,waxaa kale oo idiin xalaal ah hablaha dhowrsoon ee Mu’minaadka ah,iyo hablaha dhowrsoon ee kuwa kitaabka la siiyay idinka hortiin,haddii aad ujuuradooda iyo meherkooda siisaan,idinka oo ah kuwo guur ku dhowrsanaya oo aan xumaan kale iyo saaxiibtimo aan meher xalaaleyn ka doonaynin”.
Waxaa milicsi mudan in waxa la nacayo uu yahay ficilka xun ee uusan ahayn qofka ficilka sameeyay waayo iyada oo uu Alle ogyahay kala duwanaanshaha Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ama Yahuuda ayuu misna Muslimiinta u baneeyay inay guursadaan haweenkooda.
Suura galna maaha inaad necbaato ood colaad u muujiso Xaaskaaga Ahlul kitaabka ah ee guriga kugula nool ilmana kuu haysa haday doonto tiiyoo la og yahay in Ilaahay guurka ka dhigay Jacayl iyo Raxmad udhaxaysa lamaanaha isu dhaxa.
﴿ وَمِنْ آَيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُمْ مِنْ أَنْفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُمْ مَوَدَّةً وَرَحْمَةً إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآَيَاتٍ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ(21)﴾
Waxaa kaloo iyana sugan in Rasuulka scw la soo ag mariyay janaazo ama meyd ruux aan Muslim ahayn markaasna uu suubanaha u istaagay,kolkii lagu yiri waa janaazo yahuudna uu yiri miyeysan ahayn Naf Bani Aadam”
"إِنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَرَّتْ بِهِ جَنَازَةٌ فَقَامَ ، فَقِيلَ : إِنَّهُ يَهُودِيٌّ ؟ فَقَالَ : أَلَيْسَتْ نَفْسًا )
رواه مسلم (960)٠
Walaalayaal waxa xaqiiqo ah inaan la soo koobi karin haddii la yiraahdo ha laga waramo xiriirka wadanoolaansho iyo wax wada qabsi ee Islaamku siiyay dadka aan ku diinta ahayn ee nabadda kula nool.
Waxaa dhici karta in dadka qaar ay isaga qasanto Fahamka Nusuustan Caamka ah ee ku dhiiri galinaysa Muslimiinta wanaajinta iyo xiriirinta dadka aan diinta la wadaagin ee Nabadda kula nool,iyo Nusuus khaas ah oo ku soo aroortay xaalad dagaal oo tirtirsiinaysa in Gaalada muxaaribka ah layska dhiciyo oo aan loo muujin jileec iyo jacayl,waana dabiici in dad dagaal ka dhaxeeyo ay isku darnaadaan isu dabacsanaana aysan ka suurtoobin inta badan..
Laakiin in aysan arinta mar kasta sidaas ahayn waxaa u daliil ah iyada oo ay Rasuulka scw ku soo dagaysay Nusuusta faraysay ku darnaanta gaaladii dagaalka kula jirtay iyo joojinta dulmigooda,misana isla waqtigaa waxaa jiray qabiilooyin gaalo ahaa oo ay Muslimiintu la lahaayeen xiriir wax wada qabsi iyo Nabad ku wada noolaansho ah xitaa mararka qaarkood is gaashaan buureysi ah,sida qabiiladii carbeed ee uu Rasuulka scw markii dambe daraadood u galay dagaalkii keenay inuu Maka qabsado,ka dib kolkay Qureysh jabisay ballantii kala dhaxeysay Rasuulka scw oo ay soo taageertay qabiil carbeed oo uu dagaal kala dhaxeeyay qabiil kale oo carbeed oo xulafo la ahaa Rasuulka scw,sidaasna uu suubanaha kula saftay qabiilkii uu xilfiga la lahaa ee ay ku soo duuleen Qureysh iyo qoladii ay soo taageertay.
Islaamku wuxuu diiday in Dadka Muslimiinta ka diinta duwan Asii Nabada iyo Heshiiska kula nool in aan la caayin waxa agtooda ku weyn ama ay Caabudaan.
Ilaahay wuxuu yiri:-
﴿ وَلَا تَسُبُّوا الَّذِينَ يَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ فَيَسُبُّوا اللَّهَ عَدْوًا بِغَيْرِ عِلْمٍ كَذَلِكَ زَيَّنَّا لِكُلِّ أُمَّةٍ عَمَلَهُمْ ثُمَّ إِلَى رَبِّهِمْ مَرْجِعُهُمْ فَيُنَبِّئُهُمْ بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ ﴾ [الأنعام: 108]
"Ha caayina waxa ay Gaalada Alle sokadii caabudayaan,si aysan iyaguna Alle u caayin si cadownimo ah oo aysan aqoon u lahayn,sidaas baan Ummad walba Camalkooda ugu qurxinaa,intaa dabadeed Rabigooda ayay u laabanayaan oo markaa uga warami doona wixii ay soo sameyn jireen”.
Ugu dambeyntii waxaa muhiim ah in ay Muslimiinta si fiican isaga eegaan fahamka Nusuusta diintooda oo ay ugu dhaqmaan si waafaqsan ujeedada iyo qasadka wanaagsan ee ay u timid diinta Islaamka taas oo runtii si toos ah oga muuqanaysa tacaaliimteeda saraysa.
Waadna mahadsan tihiin.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!